Home Afsomali Alaha ka cafiyee sii haaye goodax natiijada imtixaanka ma saaney sax ku...

Alaha ka cafiyee sii haaye goodax natiijada imtixaanka ma saaney sax ku tahay

QAYBTII GOODAX BARE WAXAY NOQOTAY QAYB DAWACO

Libaax ayaa uyeeray Waraabe markaasuu Yiri neefkaan uqaybi habar Dugaag, waraabihii Neefkii ayuu laba uqaybiyay markaasuu yiri bar waxaa leh habar Dugaag barka soo harana waxaa leh ABKOW LIBAAX.

Bahal dharbaaxa ah ayaa il iyo goon lafujiyay, Dawaco ayaa layiri bal adigana qaybi waxay tiri neefka oo dhan waxaa leh ABKOW LIBAAX, Habar dugaagna xaabka ayay leeyihiin.

Libaaxii oo qoslaya kuye dawaco yaa qaybta kubaray kute DHARBAAXADII KUDHAdCDAY GOON WARAABE.

Aniga igama Gadmin afartii Dugsi ee ugu wanaagsanaa waxbarashada sanadkaan waa reer GEDO, kuwii ugu liitayna waa reer Muqdisho.

NIN LARABO REYN BADANAA ANBA REEDA WAA KARORGEE!!!!!!

Markan PPP arkay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee ay dowlada Soomaaliya wasaaradeeda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ay ka qaaday ardayda fasalka 12aad ee dugsiyada sare ee dalka. Markan arkay falcelinta qolooyinka imtixaanka ku dhacay.
Markan arkay natiijooyinka reer Gedo iyo reer Banaadir ay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ka keeneen iyo siday Tik tookga ugu kala caansanyihiin waxan soosaaray qodobadan hoos ku qoran.
1) Dadka leh wasiir Godax wuxuu reer Gedo u baasiyay aad Raysal wasaare noqotid waxaan leeyahay. Horta wasiirku imtixaanka uma gelin caruurta reer Gedo ee iyaga ayaa galay oo waqtigii ay Tiktakga ay felin lahaayeen ayay wax aqris geliyeen waxayna heleen natiijadii ka dhalay dadaalkii ay bixiyeen. Wasiirna waxba kama bedeli karo natiijada gobol iyo mid arday toona.
2) Wasiir Godax waa muwaadin Soomaaliyeed oo u qalma hadii Raysal wasaare laga dhigo xaqna wuu u leeyahay. Hadii uu cid qabyaalad wax ku siinkarana dee reer Hiiraan iyo reer Mogadishu ayuu ku siin lahaa, balse sidaas uma shaqayso ee fahma oo wax barta.
3) Reer Gedo waxaan leeyahay waalidka iyo dhalinyaradaba waad ku mahadsantihiin natiijada wanagsan ee aad keenteen iyo sida aad waxbarashada dalka lafdhabarta ugu tihiin arday iyo waalidiinba.
Sidaas oo kale reer Veledweyne waxan ugu hambalyaynayaa inay natiijo macquul ah keenen oo aysan tiktok waxbarashadii kaga mashquulin sida batiijada ardayda mogadishu ka muuqatay.
4) Waxan fariin u dirayaa waaxda waxbarashada ee gobolka Banaadir iyo gobolada ay natiijadoodu aad u hoosayso inay dib isugu noqdaan oo ay waxa ka qaldan saxaan oo ay isasoo adkeeyaan.
5) wasaarada waxbarashadana waxaan kula talinayaa inay tartanka u qaabayso si ay ugu jaangoysay isguul isguul iyo gobol gobol si waxbarashada ardayda dalka loodhiirigeliyo.
6) Talada ugu dambaysa ee aan wasaarada waxbarashada dalka siinaya waxay tahay in lasameeyo hab farsamo oo loohubiyo tayada waxbarashada dalka oo dhan. Sidookale tayada macalimiinta waa in loohelaa farsamo kor loogu qaadayo, iyadoo lasiinayo waxbarasho joogto ah si xirfadooda barenimo kor loogu qaado si ay waxbarashada dalku u higsato dalalka aduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.