JAMHUURIYADA FEDERAALKA
SOOMAALIYA
HAY’ADDA DUULISTA
RAYIDKA SOOMAALIYEED
جمهورية الصومال الفيدرالية
ھــيئـــــة الطــيـــــران المـــدنـــي
الـصـــومـــالــيــــة
FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA
SOMALI CIVIL AVIATION AUTHORITY
Somali Civil Aviation Authority (SCAA)
P.O Box 1737
Address: SCAA building, AAIA, Mogadishu-Somalia
WAR-SAXAAFADEED
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay manta oo tariikhadu
tahay 17/01/2024, hawada Jamhuuriyada Soomaaliya ka celiysay diyaarad
ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines, noceedu yahay Dash 8-Q400,
flight number ET8372 kuna socotay Hargeysa, kadib markii ay cadaatay
inaanay diyaaradaasi haysan wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada
Soomaaliya.
Si waafaqsan shuruucda caalamiga ee hawada (Rules of the air) iyo kuwa
Soomaaliya ee SOMCARs, duulimaadyadu waa inay fasax (ruqsad)
kahaystaan wadamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan
kahor inta aanay soo duulin (prior to departure).
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay cadaynaysaa in aanay
ogolaandoonin in diyaarad aan ruqsan haysani soo gasho dhamaan
xuduudaha hawo ee wadanka, iyadoo ilaalinaysa nidaamka iyo wada
shaqaynta dhaw ee kala dhexeysa dhigeeda aduunka.
Hay’addu waxa ay cadaynaysaa in sidii caadiga ahayd ay u socdaan
Duulimaadyadii joogtada ahaa.
Waa Bilahi Towfiiq