Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciudamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyah kadib markii Al-Shabaa ay weerareen Salshiga Ciidamada dowladda ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad ku sugan degmada Xudur ayaa Risaala u sheegeen in dagaalka oo aad u cuslaa uu muddo ku dhow saacad ka socday Salshiga Ciidamada dowladda, balse aysan sirasmi ah u xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska dufaaceen weerarkii kaga yimid dbinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal kooban oo dhacay ay ku gaarsiiyeen qasaaro xoogan.
Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahau degmooyinka u go’doonsan Ururka, waxaana dadka ku nool ay wanahaan dhibaatooyin dhanka molosha ah.