Home Afsomali Alshabaab oo Deegaanka Kulbiyow ka dhigay ceelcade2

Alshabaab oo Deegaanka Kulbiyow ka dhigay ceelcade2

Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegaya iney saaka weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismidaamin ah ku qaadeen saldhig milateri oo ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.

Warar lagu qoray baraha taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano boqolaal gaaraya oo ka tirsan kooxdaas ay saaka ciidamada Kenya ku weerareen Kulbiyow.

Al-shabaab waxay intaa ku dareen iney dagaal culus oo saacado badan socday la galeen ciidamadii Kenya ee ku sugnaa Kulbiyow ugu dambeyna ay qabsadeen saldhigii ay halkaas ku lahaayeen, iyagoo xusay in ciidamadii Kenya ee halkaas ku sugnaa ay u talaabeen xadka dalkooda.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhinaca milateriga Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen 51 askari oo Kenyan ah kuwaasoo uu sheegay in Meydadkoodu daadsan yihiin gudaha saldhigga Kulbiyow.

“Boqolaal ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa saaka aroortii xeryahooda ugu daatay ciidamada Kenya ee joogay degaanka Kulbiyow, dagaal culus ka dib mujaahidiinta saldhigaas wey qabsadeen, khasaare culus ayeyna cadowga gaarsiiyeen” ayuu yiri Afhayeenka.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen tobaneeyo ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ka mid yihiin kuwa gaashaaman ee ay caanka ku yihiin melleteriga Kenya.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay maamulka Juballand iyo ciidamada Kenya oo ku saabsan weerarkan oo sida ay Al-shabaab sheegeyso la mid ah kii lagu qaaday sanad ka hor saldhigii cidamada Kenya ee ku lahaeyeen degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo kaasoo lagu dilay askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.