Home Afsomali Dhageyso Alshabaab oo fagaare ku yaal deegaanka Gamboole Maxamed Cali Maxamed (Kartoon)

Dhageyso Alshabaab oo fagaare ku yaal deegaanka Gamboole Maxamed Cali Maxamed (Kartoon)

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ku dileen nin ay sheegeen in uu ahaa Sargaal katirsanaa ciidanka dowlada sidoo kale la shaqeenayay ciidamada AMISOM.

Maxkamad ay leeyihiin Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku riday Maxamed Cali Maxamed (Kartoon) oo Maxkamadu sheegtay in uu ahaa sargaal katirsan ciidanka dowlada , waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in uu ninkan ridoobay.

Fagaaraha lagu tooganayay Maxamed Kartoon waxaa soo buux dhaafiyay dadka ku dhaqan deegaanka Gamboole , waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa xukuno dil ah ku fulisa dadka ay ku eedeeyaan in ay katirsan yihiin dowlada ama la shaqeeya, waxa ay sidoo kale xukuno dil ah ku fuliyaan dadka ay ku eedeeyaan jaajuusnimada.

xukunka halkaan ka dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.