Home Afsomali Alshabaab oo Goob fageere ah ku toogtay 3 Qof

Alshabaab oo Goob fageere ah ku toogtay 3 Qof

Xukun ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo lagu fuliyay sadax xubnood oo loo jeediyay eedo kala duwan.

Mid kamid ah wuxuu ahaa Ergay wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ah ee Fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, halka labada kale ay ahaayeen askar ka tirsan Milatariga DF.

Hawl gallo ay sameeyeen ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu soo qabtay sadaxdooduba.

Ergayga qeybta ka ahaa Odayaashii soo xulay xildhibaanada ayaa lagu magacaabaa Maxamad Tifow Xaydar oo uu degaankiisu yahay tuulada Kabkab oo hoos tagta Jasiira, iyadoo Xildhibaanka uu soo xulay lagu magacaabaa Cismaan Xaaji Cali.

Maxamad Tifow oo ahaa 59 sano jir ayaa sheegay in markii uu ergada ku biiray loo ballan qaaday lacag dhan $800 (Sideed boqol oo doolar) balse la siiyay oo kaliya $200 (Laba Boqol oo doolar)

Eedeysanayaasha kale oo ahaa askar ka tirsan DF ayaa waxaa midkood lagu magacaabaa Mahad Cabdullaahi Abuukar oo ahaa 29 sano jir sida uu qaadigu sheegay, waxaana lagu eedeeyay inuu kamid ahaa Milatariga DF. Wuxuu tababar kusoo qaaday xerada Nacnaca oo ku dhow Xalane muddo sannad ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.

Askariga kale waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ah islamarkaana degganaa Muqdisho. Maxkamadda ayaa sheegtay in lagu eedeeyay inuu kamid ahaa ciidamada dowladda kana shaqeynayay Shalaambood.

Intaasi kadib qaadiga ayaa sadaxdooduba ku riday xukun dil tooghasho ah  waxaana lagu toogtay isla fagaaraha oo ay xaadir ahaayeen dad weyne aad u badan.

Mudadii ay socotay hawsha fulnta xukunka waxay dad weynuhu ku dhawaaqayeen Takbiirta (الله اكبر).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.