Home Afsomali Alshabaab oo maamulka koofur dagaal ugala wareegay deegaano ka tirasan Dagmada Xudur...

Alshabaab oo maamulka koofur dagaal ugala wareegay deegaano ka tirasan Dagmada Xudur ee Gobolka Bakool

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu, November 4, 2008. The violence in Somalia has killed nearly 10,000 civilians since the start of 2007 and forced more than a million from their homes, triggering a humanitarian crisis that aid workers say is one of the worst — and most neglected — in Africa. REUTERS/Mowlid Abdi (SOMALIA)

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanada kun teedsan degmada xudur ee g/bakool ayaa ku waramaya in hada degaankaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamada maamulka koofur galbeed Soomaaliya  dagaalamayaa ka tirsan al-shabaab oo weerar toos ah ku qaaday saldhig ciidanka maamulka koofur galbeed Soomaaliya ay ku leeyhiiin degaankaasi.

Weerarka ayaa bilawday abaare 12:00 duhurnimo oo la’a 10 daqiiqo, waxaana dagaal kooban kadib lagu soo waramaya in al-shabaab ay u suurtagashay inay gabi ahaan la wareegen gacanta ku haynta deegaanka teed iyo saldhigii ciidamada k/galbeed soomaaliya ay ku leeyihiin.

Ciidamada ka tirsan maamulka k/galbeed Soomaaliya oo ka ambabaxay dagmada Xudur si gar-gaar ay ugu fidiyaan ciidamada halkaasi lagu soo weeraray ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada halkaasi ay gaareen dagaalna uu hada sii xoogeystay sida Simba uu u sheegay guddomiye ku xigeenka Xudur Aadan.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an taasi oo aan suura-galineenin in la helo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka al-shabaab iyo ciidamada k/galbeed ku dhex-maray duleedka dagmada xudur .

Deegaanka Teed ee ay maanta al-shabaab weerarka ku qabsadeen ayaa ku yaalla wadada u dhaxaysa magaalooyinka Xudur iyo Ceel barde, waxaana uu 30 KM dhanka waqooyi kaga beeganyahay Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.