Home Afsomali Alshabaab oo qaraxyo ku burburiyey garoon ku yaal Degmada Buulo-Burde ee...

Alshabaab oo qaraxyo ku burburiyey garoon ku yaal Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu, November 4, 2008. The violence in Somalia has killed nearly 10,000 civilians since the start of 2007 and forced more than a million from their homes, triggering a humanitarian crisis that aid workers say is one of the worst — and most neglected — in Africa. REUTERS/Mowlid Abdi (SOMALIA)

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay qaraxyo la beegsadeen Garoonka diyaaradaha degmada, halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka socday dhismo xoogan.

Qaraxyada oo isugu jiray Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn weyn ku yeeshay dhismaha ka socday Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxyada ay bur buriyeen qeyb kamid ah Goobihii la dhisay kuwaas oo kamid ahaa meelaha ugu muhiimsan Garoonka, sida ay Risaala u sheegeen ilo dadka degaanka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Burde ayaa dhankooda waxaa ay sheegeennin qaraxyada uu hal qof ku geeriyooday Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay howlgallo xoogan ka wadaan duleedka degmada Buul-Burde gaar ahaan aaga Garoonka, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay qaraxada.

22-kii Bishii June ee sanadkii tegay ee 2020 ayay aheyd markii qaraxyo Miino oo lagu xiray qeybta Nasahada ay waxyeelo u geysteen Garoonka, waxaana qaraxyadaan ay kusoo aadayaan xilli dhawaan la filayay inay dhismaha Garoonka xariga ka jaraan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.