Home Afsomali Alshabaab oo sheegatay dilka C/fitaax Ayaanle oo ka mid ahaa dhalinyaro dhawaan...

Alshabaab oo sheegatay dilka C/fitaax Ayaanle oo ka mid ahaa dhalinyaro dhawaan uu shaqaaleysiiyey maamulka G.banaadir

Kooxo hubeysan ayaa xalay Degmadda Xamar weyne gaar ahaan  Shaneemo Super waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/fitaax Ayaanle wuxuuna kamid ahaa dhalinyaro dhawaan laga qoray dagmada xamar weyne kuwaasi oo mamulka gobolka shaqooyin ubalan qaaday.

Marxuumka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 18 jir ayaa dableey hubeysan waxa ay ku dileen agagaarka shaneemo super ee dagmada xamar-weyne waxaana uu kamdi ah 58 dhalinyaro ah oo dagmada xamar-weyne ay shaqaaleysiisay.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa lagu qoray in Ayaanle uu ahaay sargaal Nabad sugid ah balse weli wax faah faahin dheeraad ah lagama helin

aalshabaab ayaa Boogooda ku qoray sidaan

Sarkaal katirsanaa ciidamada Nabad sugidda DF-ka ayaa caawa Fiidkii lagu dilay degmada Xamarweyne, sarkaalka ladilay oo magaciisa lagusoo koobay Ayaanlle waxaa dilay rag bastoolado ku hubeysan oo markii dambe goobta isaga dhaqaaqay.

Ragii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo halkaas ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayay kuwii ka dambeeyay dilka.

Al-shabaab ayaa horey u sheegay in ay qaarijin doonaan dhalinyaradda Maamulka Gobolka Banaadir  ee dowladda Soomaliya uu shaqaalaysiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.