Home Afsomali Alshabaab oo soo bandhigtay Muuqaalo iyo sawiro dagaalkii ka dhacay Ceel...

Alshabaab oo soo bandhigtay Muuqaalo iyo sawiro dagaalkii ka dhacay Ceel saliini

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan labo maalin kahor waxa ay ku qaadeen xero ciidanka milatariga Soomaaliya kaga sugnaayeen deegaanka Ceel saliini ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada ciidan ee dagaalamay, waxaana Al Shabaab weerarkaasi ku qabsadeen xerada ciidanka milatariga inkastoo markii dambe isaga baxeen.

Al Shabaab ayaa warbaahinteeda kusoo bandhigtay sawirro ay kasoo qaadeen qaabka uu weerarka u dhacay iyo xerada ciidanka ay la wareegeen, waxa ayna Al Shabaab sidoo kale soo bandhigeen meydadka askar katirsan ciidanka milatariga ay ku dileen weerarka.

Sawiradda Al Shabaab soo bandhigeen ayaa sidoo kale laga dhax arkayay labo askari oo katirsan ciidanka milatariga oo Al Shabaab nolol ku qabteen, Al Shababa ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka ku furteen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.