Home Afsomali Alshabaab oo xalay bambooyin iyo qaraxyo la dhacay Magaalada baydhabo oo ay...

Alshabaab oo xalay bambooyin iyo qaraxyo la dhacay Magaalada baydhabo oo ay ku shirsan yihiin Madaxda dowlada iyo kuwa maamulada

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobollada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in qaraxyo  ruxeen qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

Rag hubeysan ayaa qaraxyo bambaanooyin ah ku weeraray saldhig booliis oo ku yaala Isgoyska Afar Irdoodka ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Dhowr bambo ayaa ku dhacday gudaha saldhiga la weeraray, waxaana markaas kadib rasaas furay ciidamada ku sugnaa saldhiga.

Lama oga khasaaraha ka dhashey qaraxyadaas, waxaana ay kusoo aadeysaa iyadoo magaalada ay ku suganyihiin madax katirsan dowladda Ridada iyo maamul gobaleedyada gaala raacyada ah kuwaasi oo ka qeyb galaya  shir looga hadlayo arimaha Amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.