Home Afsomali Alshbaab oo maamulka hirshabelle kala wareegay dagmo muhiim ah xili lagu mashquulsanaa...

Alshbaab oo maamulka hirshabelle kala wareegay dagmo muhiim ah xili lagu mashquulsanaa soo dhaweynta madaxweyne waare

Al-shabaab ayaa casir liiqii dagaal culus kula wareegay degaanka Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay la dagaalameen ciidankii halkaasi ku sugnaa.

Shabaab ayaa laba jiho ka weeraray degaanka, waxayna dagaal dhabagal ah la galeen ciidanka Dowladda ee halkaasi ku sugnaa, taasi oo ugu dambeyn sababtay in ay gudaha u galaan degaanka, iyaga oo wata gaadiidkooda dagaalka.

Xaalada deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa ah mid kacsan, ciidamada Ururka Al-Shabaab ayaana ku sugan magaalada oo la wareegay difaacyadii ay baneeyeen ciidamada dowladda.

Shabaab oo warkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in ciidankooda ay gaaf wareegayaan degaanka, lana wareegeen Saddex gaadiidka dowladda ah oo nuucooda uu yahay kuwa xambaara cidamada.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Moqokori ayaa waxa ay sheegayaan in isgaarsiinta degaanka ay maqantahay, kadib markii ay jareen xoogagaga ka tirsan Shabaab ee Moqokori la wareegay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan ciidankii la wareegay degaanka in ay aadeen dhanka degmada Buula-burde, waxaana la sheegay in ciidankan ay dalbadeen gurmad deg deg ah, si Shabaab ay uga saaraan degaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degaanka Garasbaaley Cusmaan Muumin Garbo ayaa inoo sheegay in degaanka aanan xog badan laga heyn, maadaama isgaarsinta hawada ay ka maqan tahay, Shabaabna ay hada maamulayaan.

“Een waxaan kuu sheegayaa nimankii cadowga ahaa in degaanka ay mar qura weerar ku soo qaadeen, wayna la wareegeen, kadib isgaarsiinta ayay jareen, hada xog badan kama heyno Moqokori, ciidanka waxay u jiheysteen dhanka degmada Buula-burde.” Ayuu yiri Gudoomiye Garbo.

Gudiga amniga gobolka Hiiraan ayaa kulan deg deg ah waxa ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne, waxayna ka hadlayaan xaalada Moqokori oo Shabaab ay la wareegeen, iyo sidii looga saari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.