Home Afsomali Amaanka Garawe oo la adkeeyey

Amaanka Garawe oo la adkeeyey

Kulan ay yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa Maanta waxaa ay kasoo saareen Amarro dhowr ah oo la xiriira Amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo la xiriira Amniga Magaalada,  kaas oo uu faah faahin ka bixiyay Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.

Taliyaha ayaa marka sheegay in xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Garoowe ay tahay mid wanaagsan, balse ay ka feejigan inay soo gaaraan falalka Amni darro ee ka dhacaya Gobolada kale ee dalka.

Waxaa uu hadalkiisa uu in taasi ku daray i ay socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, hayeeshee Bulshada looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada si amniga loo sugo.

Ugu dambeyn Taliye Xuseen waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga howlgal kasta oo ay kujiraan aysan wax xabbad ah ku ridi karin Magaalada Garoowe, sidoo kalena Bulshada looga baahan yahay inay la socdaan dadka ay Guryaha ka kireeynayaan.

Amarkaan kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli ay Magaalada Garoowe ay kamid tahay Goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.