Home Afsomali Amaanka Hoolka doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle oo ay la wareegeen Ciidamada...

Amaanka Hoolka doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle oo ay la wareegeen Ciidamada AMISOM

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xaruta Maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in maanta Ciidamada AMISOM si rasmi ah loogu wareejiyay ammaanka Hoolka Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo dhici doonto 7 maalmood kadib sida ku cad Jadwalka doorashada.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay in maanta oo talaado ah si rasmi ah ammaanka hoolka loogu wareejiyay ciidamada AMISOM lagana wareejiyay Ciidankii Dowlada ee halkaasi ku sugnaa.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa waxa ay dhaceysaa 12-ka Bishan, waxaana ka dhiman oo kaliya muddo todobaad ah, iyadoo xubnaha Musharaxiinta ay gaarayaan Magaalada Jowhar.

Ilaa hadda ma jirto qof loo saadaalin karo Murashaxiinta u tartamaysa xilkaasi, waxaana ku jira xubno ku cusub siyaasadda iyo kuwo waqti badan ku soo qaatay Siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.