Home Afsomali Amar uu bixiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta la fuliyay

Amar uu bixiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta la fuliyay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawwaan bixiyay amarka ku aadan in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Bakool.

Xamse Barre ayaana faray hay’addaha dowlada iyo kuwa caalamka in loo gurmado oo gargaar la gaarsiiyo dadka ku dhaqan gobolka Bakool gaar ahaan deegaano dhawwaan Al Shabaab weeraro ka geesteen ,kuwaa oo horey go’doon ugu jiray.

Wasaaradda gargaarka iyo musiibooyinka oo fulineysa amarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa maanta diyaarado gargaar sida u dirtay degmooyin katirsan gobolka Bakool oo go’doon galiyeen kooxda Al Shabaab.

Shacabka ku dhaqan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Bakool ayaa ka cabanayay dhibaatooyin horey u heestay haddana ugu darsameen dhibaatooyin horleh oo ka dhashay weeraro Al Shabaab ka geesteen gobolka Bakool.

Gargaarkan dowladda maanta u dirtay gobolka Bakool ayaan wax badan ka tareyn dhibaatada heesata shacabka gobolka Bakool oo isugu darsameen abaaro , go’doon iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay weerarada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.