Home Afsomali Amarka ganaaxa Afxirka oo lagu tilmaamay mid aan laga firsan lacagtana Qof...

Amarka ganaaxa Afxirka oo lagu tilmaamay mid aan laga firsan lacagtana Qof ama Askari talephonkiisa lagu shubayo

AMMAR AAN LAGA FIIRSAN BADANAA!!!.
waxaa maanta ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir ammar ah in qofkii aan af-xir qaadan la ganaaxi doono ganaax aan la cayimin.
aan u soo laabanno af-xirku waa lacag, Dalkana waxaa ka jira mujaaco, Gobalku wuxuu qaadaa canshuur Deeqina waa soo gashaa, meesha uu ka amraayo af-xirka qofkii aan qaadan waa ganaax soow kamma haboonayn in uu yiraahdo af-xir lacag la’aan ah ayaan idiin keennay ee naga qaata, si caafimaadka loo hor mariyo!!!!.
yaan Dadka iyo Ciidammada layska hor keenin inta hadda sida is-xilqaamka aha jeebkooda af-xir uga gadatayna la nacsiin.
af-xirka ugu raqiisan waa 0.5 Doolar, halkii qofna maalintii iyo habeenkii waxaa ku filan 2-3 xabbo.
kawarran qoyskii ka kooban ilaa 10 qof maalintii waa 10 doolar, celceliska maalintii ay heli karaanna waa in kayar 5 doolar!!!.
caqligu ha shaqeeyo oo yaan la noqon ninkii inta uu xilligii caga bararka Baasto iyo Hilib Ari ku qadeeyay si mug leh u yiri Sannadkaan sanad ka barwaawo badan weligeey imma soo marin!!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.