Home Afsomali Amarkii dilka ee Trump oo la fuliyay ka hor xilwareejintiisa

Amarkii dilka ee Trump oo la fuliyay ka hor xilwareejintiisa

Maxbuuskii dilka ku xukunnaa ee Brandon Bernard ayaa lagu fuliyay xukunka, gudaha xabsi ku yaalla Indiana kaddib markii codsiyo ay daqiiqadihii ugu dambeeyay soo gudbiyeen kooxaha u doodayay ay laashay Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka.

Bernard, oo 40 jir ahaa, ayaa lagu eedeeyay dil sanadkii 1999 markaas oo uu aad u da` yaraa, waana dembiliihii ugu da`da yaraa xilligaas ee ay dil ku fuliso dowladda federaalka ku dhowaad muddo 70 sano laga joogo.

Bernard ayaa u sheegay qoyska lammaanihii uu dilay inuu ka xun yahay, kahor inta uusan u geeriyoon cirbadda dadka lagu dilo ee lagu muday shalay.

Afar maxbuus oo kale ayaa la qorsheeyay in lagu fuliyo xukunka dilka kahor dhammaadka madaxtinnimada Donald Trump.

 

Haddii ay dhammaantood dhacaan, Mr Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii amray fulinta xukunnada dilka ee ugu badnaa muddo laga joogo qarni. Waxay tirada dilalka ay fulisay dowladda federaalka tan iyo bishii July ka dhigeysaa 13.

Waxay taasi jebineysaa xeerkii soo jiray 130 sano ee ku saabsanaa hakinta xukunnada dilka inta lagu guda jiro muddada xil wareejinta. Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu madaxweyne noqdo 20-ka January.

Hadalladii ugu dambeeyay ee maxbuuska

Bernard waxaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday Khamiistii, abbaarihii 21:27 xilliga dalkaas (02:27 GMT Jimco) gudaha xabsi ku yaalla magaalada Terre Haute.

Kahor inta aan la dilin wuxuu hadalladiisa ugu dambeeya u jeediyay qoyska dhibbanayaasha, isaga oo si deggan u hadlayay in ka badan saddex daqiiqo.

“Waan ka xumahay. Kuwaasi waa erayada keliya ee aan dhihi karo ee guud ahaan cabbiri kara sida aan hadda dareemayo iyo sida aan maalintaas dareemay,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Dilka ayaa dib loo dhigay wax ka badan labo saacadood kaddib markii qareennada Bernard ay Maxkamadda ugu Sarreysa ka codsadeen inay joojiyaan – balse codsigooda waa laga diiday.

Kiiska Brandon Bernard

Bernard waxaa lagu xukumay dil sababo la xiriira inuu ku lug lahaa dilka Todd iyo Stacie Bagley bishii June 1999.

Wuxuu ka mid ahaa shan dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay dhac u geysteen lammaanaha ayna ku qasbeen inay galaan qeybta dambe ee gaarigooda xilli ay ku sugnaayeen Texas.

Christopher Vialva oo 19 jir ahaa ayaa ku dhex toogtay gaarigooda, kahor inta uusan gaariga gubin Bernard.

Qareennadii difaacayay ayaa sheegay in laga yaabo in lammaanahan ay dhinteen kahor inta aan gaariga la gubin.

Baare madax bannaan oo ay kooxdu shaqaaleysiisay ayaa sheegay in Stacie ay geeriyootay kahor inta aan gaariga la gubin.

Si kastaba, caddeymo la keenay maxkamadda ayaa lagu sheegay in inkastoo Todd Bagley uu durba geeriyooday, haddana in neef-mareenka Stacie lagu arkay qiiq, taas oo muujineysa inay u geeriyootay qiiqa ay nuugtay ee aysan u geeriyoon dhaawaca rasaasta.

Qareennada Bernard ayaa sheegay inuu ka baqayay waxa ku dhici lahaa haddii uu diidi lahaa amarka Vialva, oo xukun dil lagu fuliyay bishii September.

Dadkii kale ee ku lugta lahaa dhacdadaas ayaa lagu xukumay xabsi daa`in maaddaama ay da`doodu ka yareyd 18.

Qareennada Bernard ayaa ku dooday inay ahayd in lagu xukumo xabsi daa`in aan cafis lahayn, iyadoo intii uu xirnaa uu ka yaallay rikoor fiican isla markaana uu la shaqeynayay barnaamijyada dadka looga wacyi gelinayo inaysan ku lug yeelan dembiyada.

Yaa u dooday??

Maqaal ra`yi ah oo lagu daabacay barta Indianapolis Star, ayaa Angela Moore waxay ku qortay: “Aniga oo wax badan ka bartay tan iyo sanadkii 2000 koboca maskaxda bani`aadamka iyo aniga oo arkay sida Brandon uu u noqday qof dabacsan, oo deggan isla markaana awooday inuu si nabad ah ugu noolaado xabsiga, sidee ayaan u dhihi karnaa wuxuu ka mid yahay kooxdii da`da yareyd ee dembiilayaasha ahaa ee ay tahay in dil lagu xukumo?”

Shan ka mid ah sagaalkii dhalinyarada ahaa ee ka badbaaday xukunka dilka ayaa Mr Trump ugu baaqay inuu ka laabto xukunka dilka ee Bernard.

Tobnaan kun oo qof oo kale ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu cafiyo Bernard, waxaa dadkaas ka mid ah sanatarrada Richard J Durbin iyo Cory Brooker.

Shalay, qareennada waaweyn Allen Dershowitz iyo Ken Starr ayaa sidoo kale ku biiray kooxdii difaaceysay.

Xiddigta caanka ah ee Kim Kardashian West ayaa sidoo kale qoraallo dhowr ah soo dhigtay barta Twitter-ka oo ku saabsan kiiska Bernard

 

Kardashian West ayaa California ka baraneysa sharciga waxayna hore gacan uga geysatay kiisas dembi.

Bishii March, waxay booqatay Aqalka Cad iyada iyo saddex haween oo kale oo muddada xabsigooda uu soo gaabiyay Madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.