Home Afsomali AMISOM oo Bilowday in ay Ciidamo u tababarto sugida Amaanka Doorashooyinka Qaranka

AMISOM oo Bilowday in ay Ciidamo u tababarto sugida Amaanka Doorashooyinka Qaranka

 

Nigerian Formed Police Unit personnel serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM), attend a medal award ceremony to mark the end of their tour of duty in Somalia on January 09 2020. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Xubno ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa tababar ballaaran oo soconayay muddo  6 maalmood ah ku qaatay Xarunta Hawlgallada Wadajirka ee Banaadir, kaas oo ku saabsanaa sida loo sugi lahaa amniga doorashooyinka qaran ee dalka ka socda.

45 sarkaal oo laga soo kala xulay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF), Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), ayaa qaatay  tababar ku aaddan baaritaannada dembi baarista iyo ilaalinta sirdoonka.

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ahna Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska, Augustine Magnus Kailie ayaa sheegay in AMISOM,  iyo la -hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeynayaan Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah si loo ilaaliyo amniga, daacadnimada iyo kalsoonida hannaanka doorashada.

“Xarumaha Hawlgallada Wadajirka ah  waxaa loo aasaasay si waafaqsan hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah ee bilayska ay hoggaaminayso sirdoonku, gaar ahaan sugidda hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo baahida loo qabo isku-duwidda qorshaynta iyo falanqaynta sirdoonka,” ayuu yiri Taliyaha Bilayska Kailie.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Yuusuf Cali Maxamed, ayaa sheegay in taageerada AMISOM ay Soomaaliya ku guuleysatay inay ka hirgeliso 12 Xarumood oo Wadajir ah oo lagu howlgalo guud ahaan dalka.

“Si ay doorashooyinkeennu u noqdaan kuwo xor ah oo lagu kalsoonaan karo, nabadgelyadu waa tan ugu muhiimsan. Doorashooyinka waxaan qaban karnaa oo kaliya markaan amniga sugnay. Tani waa sababta tababarrada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin. Ugu dambayntii waa mid loogu danaynayo Soomaalida, ”ayuu yiri Mr Yussuf.

AMISOM ayaa waxaa ay horay tababar la xiriira sugida amniga doorashooyinka u siisay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedyada dalka kajira, balse hataan la bilaabay in dhamaan Ciidamada kala duwan ee Qalabkas ida la siiyo tababar ku saabsan sugida amniga doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.