Home Afsomali AMISOM oo dalbatay ciidamo dheeraad ah si loo sii xoojiyo dagaalka ka...

AMISOM oo dalbatay ciidamo dheeraad ah si loo sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Guddiga isku xirka howlgalka militari ee AMISOM ayaa shirkoodii 22 aas ee ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxaa ay ku dalbadeen in 4,000 ciidamaddo dheerad ah lagu soo kordhiyo howlgalka AMISOM.

Kulanka waxaa lagu adkeeyay in QM iyo beesha caalamka ay si deg deg ah u taageeraan ciidamada dheeraadka ah si loo kordhiyo awooddda ciidamadda dib na loola wareego meelihii horay ay Al-shabaab ula waregeen.

Waxaa ay sidoo kale weeydiisteen QM iyo beesha caalamka in ay in ay ka taageeraan dhinaca Saanadda gaar ahaan raashainka iyo daawadda si waqtiga yare e dhiman loo kordhiyo weeradda islamarkaana loo soo gabangabeeyo joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Guddoga isku xirka hoowlgalka AMISOM ka sokoow dalabka deg-degga ah 4000 ee Askari waxaa ay Sidoo kale isku raaceen in guddiga midowga Africa uu isugu yimaado magaladda Addis Ababa ee caasiamadda Itoobiya kualan qorsheeyn ah horaanta bisha soo socta ee Febaraayo si loo soo gaban gabeeyo qorshaha isku xirka balaarinta howlagalka dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

War ay soo saareen guddigaan oo magacooda loo soo gaabiyo MOCC ayey shaaca uga qaadeen muhiimadda ay ledahay in la tageero ciidamadda doowladda Soomaaliya, gaar ahaan in loo diyaariyo balaarrinta dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Kulanka Howlgalka AMISOM uu ku dalbaday ciidamadda dheeriga ah oo ka dhacay Addis Ababa waxaa goob jog ka ahaa dhamaan taliye-yaasha ciidamadda wadamadda Ka qeyb qaadanaya howlaglaka waxaa ayna qireen baahidda Howlgalku uu uqabo 4000 ciidamo dheeri ah.

C/raxmaan Diini

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.