Home Afsomali AMISOM oo iyane loo kordhiyey Mudo xileydkeedii lagulana heshiiyey in ay amar...

AMISOM oo iyane loo kordhiyey Mudo xileydkeedii lagulana heshiiyey in ay amar ka qaadato wasaaradagaashaandhiga

Nigerian Formed Police Unit personnel serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM), attend a medal award ceremony to mark the end of their tour of duty in Somalia on January 09 2020. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed
Shir labo maalmood uga socdey Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey oo ku soo gabagaboobey in taliska Ciidamada xoogga dalka  lagu wareejiyo hogaaminta Qorshaha Howlgalada Amniga Dalka lagu sugaayo, si hore loogu socdo.
 Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo Midoowga Afrika ayaa ku heshiiyay in joogitaanka Ciidamada AMISOM lagu daro ilaa bisha December 2021 balse hogaaminta qorshaha amniga Dalka lagu wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka  islamarkaana Ciidamada AMiSOM ee Dalka jooga ay ka wada Amarqataan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan  Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyay oo aysan qoraal ku koobneyn si dhibaatooyinka ay argagixisadu ku heyso shacabka looga dulqaado.

“Waxaa loo baahanyahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada amison ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah argagixisada oo qeyb-ka ah waxyaabaha loo ekmday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.