Home Afsomali AMISOM oo shaacisay xarumaha ay la baxayaan ciidamada Ethiopia ee gobolada bay...

AMISOM oo shaacisay xarumaha ay la baxayaan ciidamada Ethiopia ee gobolada bay iyo gedo

 

War kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta Saddexaad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dhawaan ay Ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka bixi doonaan Saldhigyada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulada Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay AMISOM oo loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay Ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3, iyadoo ciidamada ka baxa Buurdhuubo iyo Qansax Dheere loo wareenin doono saldhigyada Ciidan ee Garbahaarey iyo Bardaale ee Gobolada Baay iyo Gedo.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu wargeliyay inay la wareegaan  saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 Bishaan aan kujiro ee September.

Saldhigyada ay Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM baneeynayaan ayaa waxaa ay muhiim u yihiin Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbalsnd, waxaana la filayaa inay Saldhigyadaas oo ku kala yaala Buurdhuubo iho Qansaxdheere ay la wareegaan Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.