Home Afsomali Aqalka Cad oo si adag uga hadlay Senator Mareykan ah oo ku...

Aqalka Cad oo si adag uga hadlay Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la dilo Madaxweyne Putin

Senator ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Lindsey Graham, ayaa ku baaqay in la dilo Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin si loo soo afjaro duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine.

Qoraal uu Senatorkan soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in xalka kaliya ee lagu soo afjari karo duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine ay tahay in qof ku sugan Ruushka in banaanka u soo saaro Madaxweyne Putin kaddibna dilo.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hor yimid una dhaleeceeyay hadalkan kasoo yeeray Senatorka Mareykanka, waxaana Aqalka cad afhayeen u hadashay sheegtay in hadalkaasi uusan aheyn mid ka tarjumaya aragtida Mareykanka.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki , ayaa sheegtay in hadalkan kasoo yeeray Senator Lindsey uu yahay mid masuuliyad daro ah kana tarjumeyn mowqifka dowladda Mareykanka.

Dowladda Ruushka ayaana si weyn uga carrootay hadalkan kasoo yeeray senatorka katirsan Koongareeska Mareykanka, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen Senatorka Mareykanka mid abuuraya naceyb ka dhan ah Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.