Home Afsomali Aqalka Sare oo Maanta Akhrinta 1-aad mariyay sharciyo ay ansixiyeen Golaha Shacabka

Aqalka Sare oo Maanta Akhrinta 1-aad mariyay sharciyo ay ansixiyeen Golaha Shacabka

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 10-aad.

Ajandaha kulanka ayaa kala ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Korontada Qaranka iyo akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Badda Jaamac Taqal Cabaas iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimiyadda labadaas sharci oo ay golaha hor keeneen

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo maanta kulanka shir guddoomiyay ayaa faray guddiyada golaha ee shaqada labadaas sharci u xilsaaran in ay la wareegaan sharciyadaas kana soo shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.