Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa bedqabka Suxufiyiinta Iyo difaacayaasha Xuquuqul insaanka ee xilliga doorashooyinka ayaa la soo gabagabeeyay
FESOJ iyo qeybaha Naafada iyo Xuquuqul Insaanka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka November, 2021 soo gabagabeeyay kulan falanqayn fool-ka-fool ah oo laba maalin ka socday hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa diiradda lagu saarayay sidii Suxufiyiinta iyo Difaacayaasha xuquuqul insaanka u heli lahaayeen ammaan iyo badqab xiliga lagu jiro doorshooyinka Soomaaliya.
Falanqaynta ayaa waxaa labada beri uu socday ka qaybgalayay xubno toban-toban ka koobnaa oo ka kala socday wasaaradda haweenka, warfaafinta, cadaaladda iyo Baarlamaanka, waxaana diirada la saaray sida heshiisyada ay dawlada Soomaaliya saxiixday ee xuquuqul insaanka fulintooda loogu dabaqi karo badbaado ay helaan Saxafiyiinta iyo u doodayaasha xuquuqul insaanka oo qayb ka ah doorashooyinkda Soomaaliya kormeerkooda iyo wararka laga tabinayaba.
Xubanha FESOJ, qaybaha naafada iyo xuquuqul insaanka ayaa sharraxaad ka bixiyay barnaamijka dib u eegis xilliyeedka caalamiga ee UPR ee la xiriira heshiisyada xuquuqul insaanka ay Soomaliya qayb ka tahay iyo talada laga bixinaayo baqdqabka Saxafiyiinta iyo difaacayaasha xuquuqul insaanka .
Xildhibaan Khaalid Macow iyo Agaasimaha waaxda xuquuqul insaanka ee wasaraada haweenka Axmed Cabdi Cumar waxa iyaguna talooyin ku daray sida Saxfiyiinta iyo kooxaha xuquuqul insaanku ku heli karaan badqab ayadoo la eegaayo heshiisyada xuquuqul insaanka Soomaaliya ay wax ka saxiixdey.
Kulanka falanqaynta oo FESOJ iyo qayabaha Naafada Soomaaliyeed iyo Xuquuqul Insaanka ay fuliyeen waxaa lala kaashaday Kooxda Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee UNSOM.