Home Afsomali Aqri Magacayada 5 nin oo aano qabiil Hiiraan loogu dilay

Aqri Magacayada 5 nin oo aano qabiil Hiiraan loogu dilay

Dabley  hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen dad beeraley ah oo ku sugnaa degaanka Banka oo u dhow degaanka Kabxanleey oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarka ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 5 Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, iyada oo maleeshiyaadka weerarka geeystay ay goobta isaga baxsadeen.

Dadka weerarka lagu dilay ayaa waxaa Magacyadooda kala yihiin, Khaliif Xassan Cadde, Maxamed Bishaar Afeey, Nuure Barre Cilmi, Maxamuud Cabdi Barey iyo Cameey Cabdi, kuwaas oo dhamaantood Shacab ahaa.

Dad ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegeen in dilkan uu salka ku haayo aano qabiil, sidoo kalena meydadka dadka la dilay iyo kuwa dhaawaca ah la keenay magalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in degaanka Banka ee uu weerarka ka dhacay ay manta ka taagan tahay xiisad dagaal, isla markaana dadka ku nool ay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo.

Maamulka Magaalada Beledwyene iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana la filayaa in Maamulka Gobolka Hiiraan uu Ciidamo u diro degaanka uu weerarka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.