Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay si toos ah ula wareegtay dakhliga dowladda Soomaaliya soo gala xilligan kala guurka ah ee lagu jiro doorashada, isla markaana wax lacag ah aan ku dhicin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Wixii ka danbeeyay bishii Ogoosto 2016 lacagaha u soo xarooda dowladda Soomaaliya waxaa si toos ah loo geeyaa madaxtooyada iyadoo ay Agoosto ka hor la dhigi jiray Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah wasiirada musuqmaasuq iyo isdaba marin, isagoo tusaale usoo qaatay in muddo bil ah wax lacag ah lagu shubin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isla markaana Canshuurta Dadweynaha laga soo aruuriyay madaxda dowladda ku takri falayaan.
Ku dhowaad saddex bilood waxaa kharashka dowladda kasoo gala canshuuraha kala duwan iyo shirkadaha adeegyada bixiya ee dowladda heshiiska la ah ay toos lacagta u geeyaan madaxtooyada, iyadoo la sheegay in loo adeegsado howlaha Doorashada.
Muddo 4 bilood ah ka badan ayaa wax mushaar ah qaadan shaqaalaha dowladda, isla markaana ay hore uga maqneyd mushaarka laba bilood ah oo sanadkii hore raacday. Warbixinta waxaa ka mida ahaa in dakhliga Dekadda Muqdisho dowladda si toos ah loogu wareejiyo madaxtooyada Soomaaliya.
Xaaladdan ayaa muujineysa in xilliga kala guurka ah uu socdo boobkii ugu weynaa ee hantida Qaranka si loogu maalgeliyo in lagu soo saaro xildhibaano taageersan madaxtooyada oo marka danbe ka qeyb qaata dib doorashada Xasan Sheekh.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0