Home Afsomali Aqriso Dhaarinta ka dib hogaaminta talada dalka yaa leh ma madasha mise...

Aqriso Dhaarinta ka dib hogaaminta talada dalka yaa leh ma madasha mise Xildhibaanada

Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee baarlamaanka hore ee waqtigiisa dhamaaday xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo khubad ka jeedinayay munaasabadii dhaarta xildhibaannada, ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday dhamaanba go’aamadii ay horay u gaareen hogaamiyayaasha madasha-wada-tashiga Qaran.

Mahad Cawad, ayaa sheegay in maanta laga bilaabo tallada dalka ay gacantooda ku jirto xildhibaannada cusub ee baarlamaanka oo ka doodi doona go’aanna ka qaadan doona hanaanka doorashada iyo dhamamanba sharuucda la xiriirta.

”Wixii maanta ka danbeeya tallada dalka waxaa ay gacantooda ku jirtaa baarlamaanka 10aad ee dalka oo maanta la dhaariyay, madasha wixii hadda ka danbeeya tallada waa ay ka soo wareegtay”, ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Waxaa uu soo hadal qaaday qaar ka mid ah go’aamadii ay horay u gaareen hogaamiyayaasha madasha-wada-tashiga, gaar ahaan sharuudaha laga doonayo musharixiinta hogaanka sare ee dalka,  isaga oo sheegay in baarlamaanka cusub dib u eegis ku sameyn doono dhamaan go’aamadaas.

“Sidda aad la soctaan madasha waxa ay go’aamiyeen in musharax madaxweynaha laga rabo $ 30, 000 doolar iyo saxiixa 20 xildhibaan, arintaa hadda go’aankeeda baarlamaanka ayeey u taalla,  waa la badali karaa, waxaa laga dhigi karaa $10,000 oo doolar, $20, 000 oo doolar ama sideeda ayaa loo deyn karaa’’ ayuu yiri xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaan Mahad Cawad ayaa sheegay in dhamaanba sharuucdii iyo go’aamadii lagu gaaray madasha-wada-tashiga ahaayeen oo kaliya soo jeedin, laakiin wax sharciyad ah ku fadhin, sidaa daraadeed ayuu sheegay in sharciyada doorashada oo idil looga fadhiyo baarlamaanka cusub.

Ugu danbeyntii, baarlamaanka labada Aqal ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa in uu magacaabo guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha, sidoo kale waxaa uu soo bandhigayaa shuruudaha Musharaxiinta looga baahan yahay oo siweyn isha looga wada hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.