Home Afsomali Aqriso Faahfaahinta Wasaaradda Caafimaadka tirada dhimasho dhaawac iyo ispitaalada lakala geeyey

Aqriso Faahfaahinta Wasaaradda Caafimaadka tirada dhimasho dhaawac iyo ispitaalada lakala geeyey

https://youtu.be/sfu8FQsqvJc

WARBIXIN KOOBAN OO LAXIRIIRTA MUSIIBADII EKIS-KONTOROOL, AFGOOYE, 28 DECEMBER 2019

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay maanta dhan ku howlaneed gurmadka iyo wax u qabashada dadkii dhibaatadu ku gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Ekis-Kontrool, Afgooye.

Waxaa dhaawacyada loo qaybiyay 7 Isbitaal kuwaasoo isugu jira kuwa Guud iyo kuwa Gaarka loo Leeyahay, halkaas oo loogu fidinayo daryeel caafimaad.

Sidoo kale, waxaa la geeyay isbitaalada maydadka hada la xaqiijiyay oo dhan 79 ruux oo u geeriyooday qaraxii.

Waxaa ku dhaawacmay Qaraxa oo la geeyay isbitaallada 143 qof oo qaba dhaawacyoo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii maanta dhacay iyadoo 127 ka mid ah la jiifiyay Isbitaallada si loogu dabiibo.

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay u xilsaartay Guddi Dhaqaatiir iyo Howlwadeenno Caafimaad oo heer Wasaaradeed ah oo qaabilsan gurmadka musiibadii maanta dhacday.

Ilaahay ha u naxariisto inta geeriyootay inta dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo. Wixii soo kordha oo arintaan la xariira waxaad nagala socotaan Baraheena Bulshada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.