Home Afsomali Aqriso heshiis ku sheega Somaliya iyo Kenya ee Bada la xariira cidii...

Aqriso heshiis ku sheega Somaliya iyo Kenya ee Bada la xariira cidii saxiixda qodobada iyo Weliba ….

 

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa April 7, 2009 kala saxiixday heshiis is faham ah, MOU-gan oo Maxkamadda ICJ iyo Soomaalida ay hadal-hayeen maalmihii la soo dhaafay weligaa ma akhrisay, qodobadiisa ma fahamtay, Hadaba halkan ka akhriso si aan lagaaga sheekeyn.

Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta ee Qaaradda iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada midoobey.

Heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday, waxaana eedda dusha laga saaray Cumar Cabdirashid oo ra’isul wasaare ahaa dalka xilligaas iyo wasiirka saxiixay oo ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Qodobada Heshiiska:

In labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km).

In Loo Gudbiyo guddiga xadeynta ee Qaaradda iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Heshiikan Is Fahamka lagu sheegay waxaa ku xusan in uu jiro dhul badeed aan calaamadeysneen oo lagu muran san yahay oo u dhaxeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Dal waxaa ay isla gargaateen in ay jiraan Dano mid weliba oo Soomaaliya iyo Kenya ka tirsan ay ka leeyihiin Xadeynta Qalfoofta, Laakin waxaa ay isla qireen in ay jiraan dano arrintaas ka weyn oo ay leeyihiin Xadeynta ama in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ay ku heshiiyeen in badda lagu muran san yahay ee xuduudda labada dal aan laga hadlin xiligaas MOU-ga ee dib la isaga yimaado.

MOU-ga shaqo kuma laha Badda lagu muran san yahay ee u dhaxeysa labada dal, waxaa laga hadlayo waa sidii labada dal ay xuquuq u soo dhacsan lahaayeen oo qaramada midoobey ogolaatay in dalalka codsan karaan in dalalka loo ogol yahay in ay wax ku darsadaan biyaha ka baxsan ama fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km)

Heshiiskaan ayaa waxaa uu saameyn ku yeelanayaa hadii ay kenya qaadato dhul la eh gobolada galgaduud iyo hiiraan oo la isku daray waxaana xusuid mudan in baarlamaankii KMG ahaa uu diiday in wax wada hadal ah laga furo xaduuda bada ee somaliya  lamana garanayo waxa ku kalifay in ay dowladii KMG aheyd ay gasho heshiiskaan

mow_1mow_2 mow_3 mow_4

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.