Home Afsomali Aqriso liiska Magacyada dadkii ku dhinatay iyo kuwa dhaawacmay Doonidii Gantaalka lagu...

Aqriso liiska Magacyada dadkii ku dhinatay iyo kuwa dhaawacmay Doonidii Gantaalka lagu gubay ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

—-DHAMMAAD—-

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24-Saac ka dib War Culus ka soo saartay
Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebta Xudeefiya ee Wadanka
Yemen,kadib markii Diyaarad Nuuca Qumaatiga u Kaco ah ay Gantaal ku dhufatay
Doon ay ku socdaalayeen Qaxooti Soomaali ah oo doonayay in ay gaaraan Wadanka
Suudaan.
Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebaha Yemen ay
Mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay Aqoonsan tahay.
“Waxaan ka Xunnahay Xasuuqa Foosha Xun ee lagula kacay Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku Safrayay Doonta,kuwaas oo ahaa Qaxooti Mudo ku noolaa Yemen,balse hadda doonayay in ay Nolol u raadsadaan meelo kale,wax la Aqbali karo ma ahan,waxaana Mas’uul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”ayuu yiri Wasiir Haddliye.
Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay ka
geysteen Xeebaha Yemen,waxaana Gantaal lagu dhuftay Doon ay la

Magacyada dhallintii ku geeriyootay Duqayntii Diyaaradaha Sucuudiga.

1:Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2:Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3:Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4:Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5:Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin.

6:Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay.

7:Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8:Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9:Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.

10:Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.

11:Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood.

12:Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13:Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14:Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15:Ibrahim Ahmed Sacadaale (Dhimasho).

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.