Home Afsomali Aqriso lix qof oo Somaliland lagu toogtay iyo sababta

Aqriso lix qof oo Somaliland lagu toogtay iyo sababta

Somaliland ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay 6 Nin oo horey dil loogu xukumay ka dib markii ay dilal kala duwan ka geysteen degaano ka tirsan Maamulkaas.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay jeelka wayn ee Mandheera oo ku yaalla Gobolka Saaxil saaka 8:00 subaxnimo.

Gacan ku dhiigleyaasha xukunka dilka lagu fuliyay ayaa kasoo kala jeeda deegaano ka tirsan Somaliland waxayna magacyadooda kala yihiin:-

1- Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle)

2- C/llaahi Ismaaciil Xayd (Burco)

3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax (Burco)

4-Khadar Aleel (Gabiley)

5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)

6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.