Home Afsomali Aqriso Magacyada Dhalinyaro lagu eedeeyey in ay la shaqeeyaan diyaaradaha Dagaalka ...

Aqriso Magacyada Dhalinyaro lagu eedeeyey in ay la shaqeeyaan diyaaradaha Dagaalka kuna basaasaan hogaamiyeyaasha Alshabaab oo Jamaame lagu toogtay

Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab halkaa ku toogteen labo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay basaas ahaayeen sida laga soo xigtay goob joogayaal ah.

Dhalinyaradan la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Abuukar Farxaan oo da,diisu aheyd 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo da,diisu aheyd 26 sano jir.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in labadan dhalinyarada ah ee la dilay qirteen in ay danbiga lagu eedeeyay, balse dhinaca kale ma jirin Qareen difaacayay raggan la toogtay, madaama Al-shabaab aysan wax Qareen u qaban dadka ay xukumaan.

Al Shabaab ayaa ku goodisay in gacan bir ah ay ku qabanayso kooxaha jawaasiista ah ee diyaaradaha Mareykanka ku haga saraakiisha hoggaaminaysa jihaadka dalka ka socda.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Internet-ka ku baahiyay in dhalinyaradan ay dileen u adeegayeen sida ay hadalka ku dhigeen maamulka Jubballand.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale meel fagaaro Al-shabaab ku dilaan dhalinyaro ay ku eedeeyeen danbiyo kala duwan.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.