Home Afsomali Aqriso Magacyada Dowladha Britain liiska Cas ka saartay ee kuyaala Qaarada...

Aqriso Magacyada Dowladha Britain liiska Cas ka saartay ee kuyaala Qaarada Afrika

Britian ayaa go’aansatay in Dalalka liiska cas ku jiray laga qaado xayiraadda , waxaana dalalkaasi ka mid ah Angola, Botswana, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique, Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe.

Xoghayaha Caafimaadka dowlada Britain Sajid Javid ayaa sheegay in fayraska cusub ee Omicron uu haatan si guud u faafay, sidaas darteedna aysan sii jri karin sabab xayiraadaha loo sii wado.

Wadamadan dowlada Britain ka saartay liiska cas lagana qaaday xayiraada dhinaca socdaalka ah ayaa horey loogu soo rogay dabayaaqadii November si looga hortago korona fayraska cusub ee Omicron.

Cudurkan cusub ayaa wadamo badan oo caalamka ah kusii faafay, waxaana feyruskan markiisi horey lagu arkay dalka Koonfur Afrika oo wali dhibaato badan uu ku hayo cudurkan, waxa uuna kusii faafay wadamo kale oo Afrika iyo meel fog kuyaala.

https://youtu.be/0_thDH23lSI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.