Home Afsomali Aqriso Magacyada Musharaxiinta isku soo taagay Doorashada Xilka Guddoonka gollaha shacabka

Aqriso Magacyada Musharaxiinta isku soo taagay Doorashada Xilka Guddoonka gollaha shacabka

Somalisan Aqriso Magacyada Musharaxiinta isku soo taagay Doorashada Xilka Guddoonka gollaha shacabka

Guddiyada qaban qaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanbka federaalka Soomaaliya ayaa diiwaangeliyay sidoo kale siiyay shahaadada musharaxnimo musharaxiin badan oo u taagan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Doorashada guddoomiyaha gollaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen ayaa waxaa isku diiwaan geliyay 20-musharax, kuwaa oo tartan adag u geli doono hanashada saddexda kursi ee guddoonka gollaha ah.

Musharaxiinta ugu badan ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha gollaha shacabka, waxaana kursigaasi loo diiwaangeliyay ilaa 8-musharax halka kuxigeenka 1-aad ku tartamayaan 7-musharax, waxaa sidoo kale kuxigeenka 2-aad u taagan 6 musharax.

Doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaana la filayaa in ay adkaato, waxaana ku loolami doona musharaxiin ay kala wataan Villa Soomaaliya iyo qaar kamid ah musharaxiinta Mucaaradka

Loolanka ugu adag ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaana lagu ogaan doonaa cida ay u badan doonto natiijada kasoo baxda doorashada guddoonka labada aqal ee lagu wado in isbuucan ka dhacdo Muqdisho.

Akhriso magacyada Musharaxiinta isku diiwaangelisay guddoonka gollaha shacabka

Guddoomiyaha Gollaha Shacabka

1.Aadan Aadan Maxamad Nur (Madoobe)
2.Cabdulahi Adan Ahmed( Black)
3.Maxamad Mursal Sh.Cabdiraxmaan
4.Sadiiq Cabdi Nuur
5.Aadan Maxamad Saransoor
6.Shariif Maxamad Cabdalla
7.Cabdirashiid Maxamad Xidig
8.Xasan Cabdi Nuur
Kuxigeenka -1aad
1.Maxamad Cumar Caana nuug
2.Maxamad Cumar Ceymoy
3.Sacdiya Haji Yasin Sacdiya Firimbi
4.Maxamad nur Abubakar Shariif Mustafa
5.Maxamad Cabdiqadir Jeego
6.C.raxman C.qadir Cade
7.C.karin Cabdow Xeydar
Kuxigeenka 2-aad
1.Cabdulaahi Cumar Abshirow
2.Mahad Cabdalla Cawad
3.Maxamad Xuseen Abukar
4.Asad Abdirizak Maxamad
5.Axmad Aadan Axmad
6.Saciid Maxamad Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.