Home Afsomali VIDEO Aqriso magacyada Somalida ku jirtay massaajidada iyo Wararkii ugu danbeeyey ee...

VIDEO Aqriso magacyada Somalida ku jirtay massaajidada iyo Wararkii ugu danbeeyey ee weerarka masaajidada New Zealand ( DAAWO SAWIRADA )

Weerar argagixiso oo kooxaha cadaanka ah ee Xagjirka ah ay ku qaadeen Masjid Salaadii jamce lagu tukanayay Dalka New Zealand  ayaa la xaqiijiyey in Shan Soomaali ah ay ku jiraan Dadka Geeriyooday.

 

Laba masjid ayaa la weearar waxaana weeraray koox xagjir ah oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca,kuwasoo rasaas ooda uga qaadey Masjidyada oo ku yaal Magaalada Christchurch.

 

Ciidamada Bilaysku waxay sheegeen iney qabteen afar nin oo looga shakisan yahay iney weerarka fuliyeen.

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Rag hubeysan ay ka geysteen Masjid ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dhimashaa weerarka ay gaartay in ka badan 45 ruux oo ku sugnaa gudaha Masjidada weerarka lagu qaaday , waxaana sidoo kale soo baxaya in masaajid kale uu weerar ka dhacay.

 

Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo ku dukanayay Masaajidka, waxaana la aqoonsaday ilaa iyo hadda Afar ruux oo Soomaaliya asal ahaan kasoo jeeda.

 

Ciidamada amaanka ayaa bandow kusoo rogay xaafada weerarka uu ka dhacay, waxaana socda baxnaaninta dadka dhaawacyada ay gaareen, kuwaasi oo la dhigay xarumo caafimaad oo magaalada ku yaala.

Ciidamada amaanka ayaa durba shaaciyay in ku dhawaad afar ruux oo mid ay haweeney tahay loo qabtay weerarka ka dhacay Masaajidka Al Nuur, waxaana mid kamid ah la xaqiijiyay inuu u dhashay dalka Australia.

 

Wali faahfaahin dhab ah lagama bixin guud ahaan khasaaraha weerarka ka dhashay, waxaana socdo baaritaan laamaha amaanka ay sameynayaan.

Mike Bush oo ah Taliyaha Bilayska xaafada weerarku ka dhacay ayaa xaqiijiyey in afar qof loo xiray weerarka.

 

Wariye Madaxbanaan oo la hadlay somalisan  oo ku sugan Goobta weerarku ka dhacay ayaa sidaan noogu sheegay .

Magacyada qaar ayaa ahaa

1-  Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo ahaa shiikhul beledka, macalin dugsi quraaan muddo15 sano ka ahaa magaaladaas.

 

2- Xaaji Cabdulqaadir oo ka mid ahaan jiray shaqaalihii wakaaladdii horumarinta biyaha Soomaaliya, isla maraanka ka mid ahaa odoyaasha magaaladaas.

 

3- Wiil uu dhalay Aadan Diiriye oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Magaalada.

Inaa lilaahi wanaa lilaahi Raajicuun ilaahay ha u naxariisto inta ku  Shahiiday ee Lagu laayey New Zealand Mosque

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.