GENEVA – The United Nations Agency for Refugees (UNHCR) estimated on Friday that 100 people died on Thursday in various shipwrecks in the Mediterranean, bringing deaths while trying to get to Europe by sea to more than 5,000 this year.
This number makes 2016 the year with most migrants and refugees’ deaths in the Mediterranean (between North Africa and Italy and between Turkey and Greece) since both routes became the most used to travel to Europe.
The Italian coast guard reported that on Thursday two boats sank and all occupants fell into the sea.
The first boat had between 120-140 people with only 63 surviving, while the second carried 120 people and 80 were rescued.
One reason believed to be behind the huge increase in mortality in the Mediterranean has to do with the fact that the boats used by traffickers these days are of poorer quality
Waxaa sii kordhaya tirada dadka sida sharcidarada ah ugu tahriiba ugu galaya Yurub ee sanadkan badda Mediterranean-ka ku dhintay iyada oo gaartay 5,000 oo qof, taas oo ah tiradii ugu badneyd abid, sida ay baahisay heyadda Qaramada Midoobeey u qaabilsan ee UNHCR sheegtay.
Xafiiska ayaa soo saaray Qiimeyntan ugu dambeysa ee ay shaaciyay hay’adda UNHCR, waxaa ka mid ah 100 qof oo ku dhimatay xilli ay saarnaayeen doon yar oo ku degtay xeebaha Taliyaaniga.
Xilligan oo badda ay cimilo ahaan kacsan tahay , tirada tahriibayaasha hoos ayey u dhacday, balse halista ay isgelinayaan dadka dahriiba iyo kuwa tahriibiya ayaa ka badan.
Waxay dadkaan oo raba in ay qaxooti ahaan isaga dhiibaan dalaka yurub raacaan doomo halis ah, si ay uga baxsadaan ciidamada oo aan loo xirin, taas ayaana ah farsamo cusub, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
QM waxay dalalka Yurub ka dalbaneysaa in la sameeyo qaabab sharci ah, si loo badbaadiyo tahriibayaasha.
Afhayeenka, William Spindler, wuxuu sheegay in tirada dhimashada oo sare u kacday ay tahay digniin.
Wuxuu tilmaamay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen inay hal mar isla diraan kumannaan qof oo doomo kala duwan saaran, taas oo dhib ka dhigeysa samata bixinta.
Ku dhowaad, 360,000 oo qof ayaa sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub, badankoodana waxay gaareen Taliyaaniga iyo Giriigga, sida ay sheegtay hay’ada socdaalka caalamka ee IOM.
Dadka tahriibayaasha ah badankooda waxay ka gudbaan badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Taliyaaniga, ka dib markii la xiray dhanka Turiga iyo Giriigga, horraantii sanadkan.
Sanadkii hore ee 2015-kii, 3,800 oo qof ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay IOM.
Dad badan oo soomaali ah ayaa naftooda ku waayay bada xili ay maciin bidayeen Dalkooda Nolosha Taala Nolol ka duwan.