Home Afsomali Aqriso Warqada ay qoreen Xildhibaanada saxiixay Mooshinka JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA BAARLAMAANKA FEDERAALKA...

Aqriso Warqada ay qoreen Xildhibaanada saxiixay Mooshinka JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA SHACABKA HINDISAHA XILKA-QAADISTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA DECENBER 9, 2018

Bogga 1aad
KU: GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
UJEEDDO: HINDISAHA XILKA-QAADISTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
M.ne Guddoomiye, Mudanayaal;
Annagoo ah Xildhibaanada ku saxiixan Hindisahaan, Waxaan Golaha Shacabka u soo gudbinaynaa Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxaan soo jeedinaynaa kadib markii uu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya sida hoos ku qodobaysan:
QAYBTA 1AAD: Ku xadgudub mabaadii’da iyo shuruudaha isucelinta Eedeysanayaasha iyo Dembiilayaasha
Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si ula kac ah ugu xadgudbay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu ka saaranyahay waajib Dastuuri ilaalintiisa sida uu dhigayo qodobka 87aad iyo 96aad ee Dastuurka. Qodobada Madaxweynuhu uu ku xadgudbay waxaa ka mid ah:
1. KU XADGUD QODOBKA 36AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si oggaal leh ugu xadgudubay qodobka 36aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee xeerinaya mabaadii’da iyo shuruudaha isucelinta Eedeysanayaasha iyo Dembiilayaasha
Bogga 2aad
Qodobka 36aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Federaalka ayaa xeerinaya in isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha dhexmari kara Jumhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowlad kale ay ku dhici karto oo kaliya si waafqsan sharciga iyo in uu jiro:
1) Heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.
2) In ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.
2. KU XADGUDUB QODOBKA 10AAD IYO 35AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA:
Waxuu Madaxweynaha si aan ganbasho lahayn ugu xadgudbay qodobka 10aad ee dastuurka farqadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, oo dhamaantood tilmaamaya ilaalinta karaamada aadanaha iyo in aan marna awoodda dowladda loo isticmaalin meel uga dhicida karaamada aadanaha.
Sidaas si lamid ah Madaxweynuhu waxa uu ku tuntay qodobka 35aad ee dastuurka ee si cad u qeexaya ilaalinta xaquuqda eedeysanaha, qaas ahaan. In aan qofna lagu qasbi karin dembi-qirasho. In mudo 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. In xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa. In Eedeysanaha aan lagu hayn karin goob aan sharcigu bannayn iyo xaqa uu u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca.
QAYBTA 2AAD: Ku xadgudub Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed
3. KU XADGUDUB QODOBKA 278AAD, 279AAD IYO 280AAD EE XEERKA CIQAABTA SOOMAALIYEED
Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxa uu ku xadgudbay dhammaan qodobbada Qodobka 278aad, 279aad iyo 280aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed (Sharci Lr. 1 ee 1-dii Juun 1963), oo dhamaantood
Bogga 3aad
tibaaxaya habka, raadraaca iyo shuruuradaha lagu celin karo qofka eedeysanaha u ah dowlad shisheeye ama dembi ka galay.
Haddaba, iyadoo uusan jirin heshiis Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya ama sharci uu ansixiyay Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u dhiibay M.ne. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) dowlada Itoobiya si aan waafaqsaneyn Qodobka 36aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, taasoo xudgudub culus ku ah Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.
QAYBTA 3AAD Ku xadgudub awoodaha iyo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
4. KU XADGUDUB QODOBKA 87AAD, FAQRADIISA 2AAD, 90AAD, FAQRADIISA (c, J, q), 109A IYO 111A EE DASTUURKA FEDERAALKA:
Sida ku cad qodobka 87aad, faqradiisa 2aad waa waajib dastuuri ah oo saaran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka in xilkiisa u guto si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida ku cad qodobka 90aad, faqradiisa (q) Madaxweynaha wuxuu saxiixaa heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa uu ku xadgudbay qodobkaan isagoo heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya. Sidoo kalena lagu midaynayo wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereeya, si mustaqbalka ay u yeeshaan hal Madaxweyne sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay. Sidoo kale warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay qoraal iyo sawirro madaxweynaha oo heshiiska uu saxiixay ay is weydaarsanayaan Madaxweynaha Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Heshiisyadaas ayaa Madaxweyne Farmaajo saxiixay sadex jeer oo kala duwan sida:
1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala sadiixdeen magaalada Mogadishu 16 June 2018 ee dowlada Itoobiya lagula wareejiyay 4 dekadood oo ku yaal xeebaha Soomaaliya ee badweynta Hindiya iyo badda cas.
Bogga 4aad
2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.
3) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018 ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka sheegay xaflad uu xaadir ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Eretereeya in sedexda dal aanay lahaan doonin sedex madaxweyne ee ay yeelan doonaan hal madaxeeyne. Madaxweyne Farmaajo oo meeshaa ka hadlay waxaa ka muuqtay farxad iyo rayn-rayn uu u qabo hadalkaas, mana muujin wax tilmaamayo in arrimahaas ay u yaallaan shacabka Soomaaliyeed, taladoodana lagama maarmaan ay tahay.
Sida ku cad qodobka 90aad, faqradiisa (c) Madaxweynuhu wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu.
Madaxweynuhu wuxuu jabiyay qodobkaan kadib markii taliyeyaashii ugu dambeeyay ee la magacaabay aan loo soo marin faritaanada dastuuriga ah ee qodobkaan ku cad oo ah in Golaha Wasiirada ay soo jeediyaan kadibna Madaxweynuhu wareegto kusoo saaro magacaabistooda.
Sida ku cad qodobka 90aad, faqradiisa (j) Madaxweynuhu wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib. Madaxweynaha waxa uu baalmaray qodobkaan isagoo si aan dastuurka dalka waafaqsanayn u magacaabay garsoorayaal Maxkamadaha Gobolka Banaadir, Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare iyadoo ayaan jirin guddiga adeegga garsoorka, isla markaana aanan loo marin xataa habraaca xeerka nidaamka garsoorka 1962. Nasiib darro garsoorayaashaa sharcidarrada lagu magacaabay waxay xukumaan dilal iyo ciqaabo kale maalin kasta. Taasoo xadgudub ku ah dhamaan tilmaamaha ku xusan qodobada dastuuriga ah ee 109A iyo 111A oo dhamaantood si cad u qeexaya madaxbanaanida iyo waajibaadka shaqo ee Golaha Adeega Garsoorka.
Bogga 5aad
QAYBTA 4AAD Ku xadgudub Mabaadi’da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaalo sokeeye.
5. KU XADGUDUB QODOBADA 50AAD, 51AAD, IYO 53AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxa uu ku xadgudbay Mabaadi’da Federaalka Heerarka kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo sidoo kale Xiriirka Iskaashi iyo wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka sida:
1) Ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada.
2) Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Xukuumadda Federaalka. In la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka.
3) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
4) Khilaafaadka in lagu xaliyo wadahadal iyo dib-u-heshiin.
Dhammaan qodobadaan dastuuriga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka si ula kac ah ugu tuntay. Isoo farogelin ku sameeyay arrimaha gaarka u ah Dowlad Goboleedyada sida dooroshooyinka, deganaanshaha amni iyo siyaasadeed ee dowlad goboleedyada isagoo ciidamo u diray si loo afduubo doorshada Koonfur Galbeed. Wuxuu abuuray khalkhal siyaasadeed oo la iskaga horkeenayo madaxda dowlad goboleedyada sida ka dhacday Galmudug iyo Puntland. Wuxuu hiigsaday siyaasado ku dhisan dibindaabyeyn, maquunin iyo sandulleynta Dowlad Goboleedyada. Wuxuu abaabulay maleeshiyo beeleedyo hubaysan oo qalqal geliya amniga iyo deganaanshiyaha dowlad goboleedyada. Wuxuu ku tagrifalay hantidii umadda isagoo bixiyay lacago laaluush ah oo lagu duminayo maamulada dalka kajira. Sidoo kale wuxuu hakiyay wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland sabab la’aan.
Bogga 6aad
QAYBTA 5AAD Ku xadgudub Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida (XCCQS) iyo Qaraaraadka Goleyaasha Barlamaanka:
6. KU XADGUDUB QODOBKA 127AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA
Madaxweynaha waxa uu ku xadgudbay Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, Mihnadda ciidannimo ee looga baahanyahay Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adaha Amniga in ay la yimaadaan: Dhawrista Talinta Sharciga hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga; U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan; iyo in ay Dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa baalmaray qodobkaan isagoo kala diray Cidiimada Qalabka Sida, wuuna abuuray maleeshiyaad loogu magac daray XASSILINTA IYO DIFAACA SHACABKA kuwaas oo lagu maalgeliyay lacagihii ciidamada loogu talogalay. Maleeshiyaadkaas ayaa ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo shuruucda caalamiga ah xuquuqda aadanaha, iyagoo ka gaystay magaalada Mogadishu xasuuq, barakicin iyo boob hanti dad wayne. Sidoo kale ciidamadaan ayaa loo isticmaalaa caburinta iyo weerarada ka dhanka ah siyaasiinta ka aragti duwan Madaxweynaha iyo xukuumadiisa sida weerarkii guryaha Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo siyaasi Cabdirahman Cabdi Shakuur Warsame.
7. KU XADGUDUB QODOBKA 21AAD, 22AAD, 23AAD EE XEERKA CIQAABTA CIIDAMADA QALABKA SIDA
Madaxweynaha waxuu si mas’uuliyad darro ah uu darajada ciidanimo uga xayuubiyay ciidan kana uga saaray Taliye Xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeye Guuto Abdalla Abdalla iyadoo uusan Madaxweynaha usoo marin hanaan waafqsan sharciga tilaabooyinkaan uu qaaday. Sida ku cad Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka Sida ee (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, darajo dhimis iyo shaqo ka joojin ama ka casilid ciidan sida uu tilmaamayo xeerkaan waxaa la sameeynayaa marka uu dhaco xukun maxkamadeed. Tusaale:
1) Darajo dhimis sarkaal waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun maxkamadeed oo ka badan 3 sano.
Bogga 7aad
2) Ka saaridda sarkaal ciidamada waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun xabsi daa’in ama ka badan 5 sano.
Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu si bareer ah u jabiyay Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, taas oo si cad uga hor imaanaysa qodobka 87aad, faqradiisa 2aad ee si cad u qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u guto si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
8. KU XADGUDUB QARAARAADKA GOLEYAASHA BARLAMAANKA
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ku tuntay qaraarkii Golaha Shacabka uu soo saaray 30 April 2017 ee dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu baalmaray xeerkii dhowridda gobonimada iyo midnimada geyiga Soomaaliyeed ee Goleyaasha Barlamaanku ansixiyeen bishii Maarso 2018 qodobkiisa 1aad ee ku waajibinayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka in uu saxiixo.
Sidaas daraadeed, M.ne Guddoomiye, Mudanayaal;
Annagoo ah Xildhibaanada ku saxiixan Hindisahaan, Waxaan Golaha Shacabka u soo gudbinaynaa Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Mahadsanidiin.
Naga Guddoomma Salaan qaddarin leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.