Home Afsomali Aqriso: Wasiirkii hore ee ganacsiga oo warbixin cajiib ah ka qoray xaaladda...

Aqriso: Wasiirkii hore ee ganacsiga oo warbixin cajiib ah ka qoray xaaladda Soomaaliya

Eng. C/llaahi Cali Xasan, Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal dheer oo ugu hadlayay xaalada cakiran ee Muqdisho iyo khilaafka ka dhashay mudo kororsiga labada sano ee Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wuxuu si hufan ugu hadlay xaaladahaasi, isagoona talo wax ku ool ah usoo jeediyay Farmaajo iyo kooxaha mucaaradka si dalka iyo dadkaba loo badbaadiyo, waxayna qormadiisa u qorneyd sidan.

TALO ODAYTINIMO

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, dadaalo fara badan ayaa lagu bixiyay dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed, waxaana dalku ku jiraa xaalad nugul iyo ka soo kabasho colaadeed. Muddada aan kor xusay,waxaa dalkeena ka jiray dimoqoraadiyad iyo rajo wanaagsan, waxaana loo socday xagga nabada iyo wax dhiska, iyada oo doorasho la qabanayay afartii sanoba mar oo hoggaanka siyaasadda lagula kala wareegayay si nabad iyo dimoqraadiyad ah oo heshiis ay ku wada ahaayeen qaybaha Siyaasadda dalka.

Wada-hadaladii hogaamiyeyaasha siyaasadda uga socday xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxay ku dhammaadeen natiijo la’aan kadib markii dhinacyadu isku afgaran waayeen wada xaajoodkii doorashada oo isku tanaasuli waayeen, burburka wadahadalka waxa ay Shacabka Soomaaliyeed ku abuurtay niyad jab weyn, maadaama ay filayeen in heshiis la gaari doono oo madaxdu ay danta guud ka hormarin doonaan dantooda gaarka ah, una tanaasuli doonaan shacabka ay halkeeyeen dagaalo iyo colaado, gaajo, cudurro iyo dhaqaala xumada baahsan.

Go’aankii Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaaray 12 April,2021 ee muddo kororsiga labada sano ee Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha, waa mid baalmarsan kana hor-imaanaya dastuurka dalka, islamarkaana dhaawac ku ah hannaanka dowladnimada iyo dimoqraadiyada ee dalkeenu cagta saaray.

Madaama Hay’adaha Dastuuriga mudo-xileedkoodii uu dhamaaday oo aysan sharci u lahayn mudo kororsi, go’aanka mudda kordhinta ee Golaha Shacabka waxaa ka dhalan kara deganaasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni oo dalka u horseedi karto qalalaase hor leh, waxaa ay sidoo kale wiiqeysaa dadaaladii loogu jiray dhismaha dowlad dhiska dalkeenna iyo dimoqoraadiyadii curdunka aheyd.

Mudda kordhinta, waxay niyad jab iyo kalsooni darro ku riday shacabka Soomaaliyeed, haddii aan laga laabana, waxay dib inoogu celin kartaa marxaladihii iyo maalmihii adkaa ee mugdiga oo aan ka soo gudubnay, haddii aanan caqligu shaqayn oo aan laga laaban talaabadaas sharciga baalmarsan oo aanan dib loogu noqon miiska wada hadalka.

Khilaafka iyo ismarin-waaga siyaasadeed ka taagan arrimaha doorashada, dowlad, mucaarad iyo shacab midkoodna maslaxa uguma jirto. Maxaa maslaxa ah? Waxaa maslaxa ah in caqligu taliyo, talada miiska la keeno oo la wada tashado oo koox waliba miiska soo dhigto talada ay heyso. Wiilwaal waxaa laga hayaa “rag wax walba waan ku dayay, oo walaalow wuxuu ku dhaamo waan waayay”. Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyo siyaasinta ku looltamaya madaxtinimda dalka, waxaan talo odaytinimo ku leeyahay, waxaa inoo wada dan ah heshiis iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xaliyo, isu-tanaasul, talo odaytinimo, maslaxada guud iyo danta qaranka.

Waxaan ku talinaa in heshiiskii doorasho ee ay muqdisho ku gaareen madaxda DF iyo  dowlad goboleedyada 17 September,2020 uu yahay wadiiqada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo doorasho wada ogol ah oo heshiis lagu wada yahay, una horseedi karta dalka deganaasho siyaasadeed iyo mid amni.

Waxaa muhiim ah in Dowladu garowsato in talada lala leeyahay, mar haddii muddo xileedkeedii dhammaaday oo ay lagama maarmaan tahay in ay qaybaha siyaasadda kala xaajooto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, lana timaado tanaasul ay dhici karto in uusan raaligelin balse qaybaha siyaasada u wada cuntami kara si loo gaaro natiijo ay ku midoobaan qaybaha siyaasadda.

Ummadda Soomaaliyeed, waxa ay dantu ugu jirtaa in Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah Dowlda Federaalka heshiis ka wada gaaraan arrimaha la isku haayo ee doorashada, sidaas darteed, Dowlada talada heysa, waa in ay odaytinimo, masuuliyad, dulqaad iyo tanaasul la timaado oo wada-hadal dib ula furto dhinacyada siyaasadda, oo wada-ogol iyo heshiis lagu go’aamiyaa arrimaha doorashada si la dhameystiro wixii ka harsanaa heshiiskii doorasho ee la gaaray 17 September 2020.

Dalkeenu maanta, wuxuu inooga baahan tahay inaan wax kasta u hurno oo u hiilino si aanay dib ugu noqon marxaladahii iyo maalmahii adkaa ee aan ka soo gubnay, waxaan ugu baaqayaa madaxda Dowlada Federalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu noqdaan miiska wadahadaka, kana dhabeeyaan xaqiijinta heshiis kama danbeys ah oo doorasho lagu qaban karo, taas ayaa ah waxa kaliya ee shacabka soomaaliyeed ku qanci karaan loogana guul gaari karo khilaafka hareeyey hanaanka doorashada. Waxaan Ilaah ka baryeynaa in aan dhibaatooyin iyo colaado dambe dalkeena ka dhicin, kuna boorinayaa qaybaha talada dalka ku looltamaya in ay u turaan shacabka la daala dhacaya duruufaha adag, lana yimaadaan caqli miyir qaba, dulqaad, isu-tanaasul, wada hadal, is qancin iyo is-afgarad si marxalada taagan looga gudbo si nabad ah.

Waxaa mahad dhammaanteed leh Allaah Subxaanuhu Watacaalaa noogu deeqay nimcooyin badan oo aanan shucuubta kale ee adduunku heysan oo innaga dhigay dad mid ah oo isku diin(Muslim), dhaqan, af iyo dhalasho ah isla markaana noogu deeqay dhul barwaaqo ah, cimilo wanaagsan, xoolo nool, dhul bacrin ah oo beerashada ku fiican, bad dheer oo dihin oo kheyraad dhex ceegaago, macdan iyo shidaal dihin IWM. Bisha Ramadaan fadligeeda, Ilaah ha inanga dhigo kuwa loo dembi dhaafo, nimcadaas ku shukriya oo talo wadaag iyo is-afgarad iyo walaalnimo arrimaha dhex yaal ku dhameysta, kana faaideysta nimcada Allah SWT ugu deeqay.

Waxaan u mahadcelinaa ururada caalamiga ah iyo kuwa goboleed iyo dalalka saaxiibka aan nahay iyo kuwa aan walaalaha nahay ee mar walba shacabka Soomaaliyeed la garab taagnaa gargaarka iyo dowld dhiska oo xaqiiqdii, dadaalo badan ku bixiyay dowlad-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana ku boorinayaa in ay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed waqtigaan adag.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Culumaa-udiinka, Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada in aysan daawadayaal ka noqon waxa dalka ka dhacaya oo ay si mug leh oo buuxda u qaataan doorkooda ku aaddan dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira qaybaha siyaasadda ku tartamaya si dalka ay uga dhacdo doorasho wada ogol ah oo heshiis lagu wada yahay, ku qabsoonta jawi nabdoon.

Allaa weyn ninkii aaminaa awood leh.

Injineer Cabdullaahi Cali Xasan

Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo Warshadaha, JFS

Muqdisho- Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.