Home Afsomali Aqriso Xog iyo xaqiiqo dhab ah yaa xiray qalbi dhagax yaana sii...

Aqriso Xog iyo xaqiiqo dhab ah yaa xiray qalbi dhagax yaana sii daayey

 

Xogta iyo Xaqiiqada dhabta ah ee Sida loo sii daayay Qalbidhagax
1- Markii dawladda Soomaaliya ay dhiibtay Qalbidhagax 28.8.2017, ma jidhin wax codsi qoraal ah oo dowladda Itoobiya, ay u soo samaysay, mana jidhin warqad eedeyn ah ( prosecution) amaba warqad soo qabasho ah ( Warrant of Arrest). Dowladda Soomaaliya waxay samaysay waa afduub.
2- Dowladda Itoobiya Qalbidhagax ma gaynin xabsi, loomana gudbinin maxkamad ee waxaa lagu hayay ( safe house) ay leeyihiin Nabadsugidda Itoobiya.
3- Markii uu billowday isbeddelka Itoobiya, gaar ahaan xilka qaadistii taliyaha Nabadsugidda Itoobiya, ayeey ciidamadii hayay Qalbidhagax waxay gaysteen meel qarsoodi ah, si aanay maamulka cusub uga war helin.
4- Qaraabada Qalbidhagax iyo hay’adaha xuquuql Insaanka ayaa toddobaad ka hor la kulmay RW Abiy Axmed, kana codsaday in la sii daayo Qalbidhagax. Waxaa yaab noqotay in la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Dowladda Itoobiya waxay kaashatay qaraabada Qalbidhagax ayaa soo ogaatay meesha lagu qarsaday.
5- Maalintii Talaadada 19/6/2018, ayeey ciidamada nabadgelyada ee Itoobiya soo heleen Qalbidhagax, RW Axmed Abiy, waxuu u yeedhay Qaraabadii Qalbidhagax iyo kooxahii Xuquuql insaanka, waxuuna ku wargeliyay in degdeg loo sii daynayo Qalbidhagax, si sharci darro ahna lagu soo xidhay, wax dambi ah oo loo haystana aysan jidhin.
6- Dawladda Farmaajo ayaa maalintii Arbacada 20/6/2018, ka warheahay sii deynta Qalbidhagax, waxayna la xidhiidheen dowladda Itoobiya, iyagoo ka codsanayo inaan la sii dayn Qalbidhagax, maadaama uu yahay argagixiso. Haddii aysan dowladda Itoobiya dambi u haysanina in lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya oo u haysato inuu yahay argagixiso xidhiidh la leh Alshabaab.
7- Dowladda Itoobiya waxay u sheegtay dowladda Farmaajo in ONLF aysan ahayn argagixo, todobaadka dambana uu wafdi heer sare ah oo ONLF imaanayo Addisababa, sidaa darteed aysan suurtogal ah in Qalbidhagax lagu wareejiyo Soomaaliya.
8- Intii Qalbidhagax la dhiibay kadib waxaa Addisababa isaga daba noqonayay madaxda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Farmaajo oo laba jeedh tagay, RW Khayre oo laba jeedh tagay, Wasiir Axmed Cawad oo afar jeedh tagay iyo Fahad Yaasiin oo hal mar tagay. Intoidaba marna kama aysan hadlin arrinta Qalbidhagax. Nasiib darro Fahad Yasiin oo ah qofka ugu garashada dheer khayarta arrintan ayaa labadii maalmood oo la soo dhaafay xidhiidho kala duwan la samaynayay Itoobiya si aanan loo soo daaynin Qalbidhagax, maadaama ay wax wayn u dhimayso jidhitaanka dowladda Farmaajo.
9- Maalintii Khamiista 21/6/2018, ayeey dowladda Itoobiya Qalbidhagax ku wareejisay Qoyskiisa iyo hay’ad xuquuql insaan ah, sidoo kalena u ballan qaadday in magdhow laga siin doono dhibkii gaadhay intii Itoobiya lagu hayay. Kooxda Villa Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Fahad Yasin ayaa billaabay inay la xidhiidhaan qaraabada Qalbidhagax una sheegay in Xasan Khayre uu yahay qofka dhiibay markii hore, haddana ka shaqeeyay inaan la sii daynin Qalbidhagax. Laakiin Qaraabada Qalbidhagax way ku gacan sayrtay oo waxay u sheegeen in Farmaajo uu iska leeyahay mas’uuliyadda oo dhan.
10- Xalay waxay ahayd habeenkii ugu murogada badnaa Villa Soomaaliya, waxaana laga cansi qabaa in Qalbidhagax Uu yimaado Xamar, taasoo dhalin karta kacdoon ay ku dunto dowladda Soomaaliya. Murugadaa waxaa la qabo Villa Somaaliyaa, sanbalooshe oo ka qaybqaatay dhiibistiisii, Cabdi saciid la taliyaha amniga qaranka oo xilligaa u shaqaynayay jawaasiis caalami ah, xildhibaanada : Goodax, Xuseen Iidoow, Jeesoow, Sagal Isaaq iyo cabdishakiur Cali Mire oo si aan gabasho lahayn u taageeray dhiibista qalbidhagax. Qaarkood waxay bilaabeen dhuumasho maadaama ay galeen dakano shakhsi iyo mid beeleed….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.