Home Afsomali Arrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay

Arrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay

Waxaa xalay UK laga sii daayay muuqaal dukumintari ah oo laga sameeyay orodyahanka Mo Farah oo sheegay in si sharci darro ah lagu geeyay Britain.

Dukumintariga oo lagu magacaabo “The Real Mo Farah” ayuu horyaalka ciyaaraha Olympic-da ku sharraxay qaabkii ay noloshiisa ahayd markii uu tagay UK oo uu sheegay in shaqaale guri laga dhigtay.

Booliska oo markii hore sheegay in ay “qiimaynayaan” xaaladda ayaa hadda sheegay in ay baaritaan billaabayaan.

Taliska ayaa sheegay in la baarayo sheegashada Mo Farah ee ku saabsan in qaab tahriibin ah lagu geliyay UK iyo in guri lagu addoonsaday, sida uu qoray wargayska Daily Mail.

Orodyahanka afarta jeer ku guulaystay horyaalka Olympic-da ayaa hadal-haynta warbaahinta qabsaday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kaddib markii uu sheegay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn Mo Farah.

Muuqaalka xalay lasii daayay oo ay horay qaybo ka mid ah u aragtay laanta wararka ee BBC-da ayuu Mo Farah ku sheegay in isagoo sagaal jir ah la geeyay UK, magaciisa saxda ahna uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ay koox khubaro ah oo booliska ka tirsan fureen baaritaan.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa MailOnline sheegay inay “la socdaan wararka ku saabsan Sir Mo Farah ee ay hadal hayaan warbaahinta”.

“Ma jiraan warbixinno lasoo gaarsiiyay booliska xilligan. Saraakiil khubaro ah ayaa furay baaritaan, waxayna hadda u kuur galayaan macluumaadka la heli karo,” ayuu yiri.

Dhanka kale, lamaanaha lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah Mo Farah ku geeyeen UK, iyagoo adeegsanaya magaca cunug kale, ayaa laga yaabaa inay wajahaan baaritaan uu ku sameeyo booliksa Scotland Yard.

Warbaahinta qaar ayaa shaaciyay magaca haweeneyda lagu tilmaamay inay tahay qofkii Mo Farah gurigeeda ku haystay si uu carruurteeda ugu adeego.

Marka uu Mo Farah sheegayay in guriga lagu adeegsan jiray waxa ay kooxda BBC-da ee dukumintariga duubaysay la xiriireen haweeneyda, balse diyaar uma aysan ahayn inay hadasho.

Nin uu Mo Farah horay ugu tilmaami jiray in uu yahay aabihiis oo sidoo kale ah la taliyihiisa dhinaca IT-ga ayuu hadda beeniyay inuu aabihiis yahay.

Muuqaalkan ayuu shaaca uga qaaday in aabihiis oo beeraley ahaa lagu dilay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.