Home Afsomali Askar faransiis ah oo dhintay shil diyaaradeed ka dhacay dalka …

Askar faransiis ah oo dhintay shil diyaaradeed ka dhacay dalka …

Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay in 13 askari ay uga dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga wadanka Maali oo ay joogaan kumanaan askar Faransiis ah

Madaxweyna Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ayaa tacsi u diray ehelada askarta dhimatay sida lagu sheegay War saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa

“Madaxweynuhu wuxuu si murugo xeeldheer leh u iclaaminayaa in wadanka Maali lagu dilay 13 askari Faransiis ah galabkii Axadda oo taariikhdu ku beegneed 25 Novemver kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood xilli ay ku guda jireen muhiim dagaal oo ka dhan ah Jihaadiyiinta” ayaa lagu yiri qoraalja

Dhimashada ciidamadan ayaa ah khasaarihii ugu xooganaa ee mar qura soo gaarta ciidamada Faransiiska tan markii ay galeen wadanka Maali sanaddii 2013, iyagoo ciidamada dalkaas ka taageeraya kooxo jihaad doon ah oo dagaal kula jira dowlada Mali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.