Home Afsomali Askari hada Toogtay Wiil Mooto Bajaaj ku shaqeysanayey oo gacanta lagu...

Askari hada Toogtay Wiil Mooto Bajaaj ku shaqeysanayey oo gacanta lagu dhigay

Askari katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisgo ayaa goordhaw dil u geestay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ku shaqeesanayay Mooto Bajaaj.

Sida aan wararka ku helnay dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir, waxaana goobjoogayaal ku warameen in askariga dilka geestay iyo ninka la dilay uu dhax maray muran.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo ilaalo ah ispitalka hooyada iyo dhalaanka ee banaadir ayaa la sheegay in ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ciidanka booliiska gacanta ku dhigeen askarigii dilka geestay.

Dilalka ciidanka dowlada Soomaaliya u geesanayaan dhalinyarada ku shaqesata Mooto bajaajta ayaa mudooyinkan dambe sii kordhayay, dowlada ayaana wali ku guuleesan in ay wax ka qabato dilalka bareerka ay ciidankeeda u geestaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.