Home Afsomali Askari ilaalo u ahaa gudoomiyaha dagmada Shingaani oo Xabad sigaare darteed Muqdisho...

Askari ilaalo u ahaa gudoomiyaha dagmada Shingaani oo Xabad sigaare darteed Muqdisho qof ugu toogtay

Askari ka tirsan illaalada Guddoomiyaha Degmada Shangaani, ayaa goor dhaw wuxuu Isgoyska Umbulutooriyada ku dilay nin miis ku iibinaayay goobtaasi.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa dalbaday in Caddaaladda la horkeeno Askarigii falkaasi geystay oo ay qabteen Ciidanka Booliska.

Ninka miiska iibinaayay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar wuxuu ahaa nin da, Askariga ayaa ka dalbaday Sigaar ka dibna siiyay lacag jeex jeexey markii uu diidayna xabad ku dhuftay

Goobjoogayaal ayaa  xaqiijiyay in ninkaasi odayga ah oo si weyn looga yaqaanay Xamar Jajab loo dilay sababo ku saabsan si gaarka laga dalbaday.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay, waxaana sidoo kale banaanbax dhigay qaar ka mid ah dadka degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.