Home Afsomali Askari ka tirsan Milliteriga Ethiopia   oo toogasho ku dilay afar qof halka...

Askari ka tirsan Milliteriga Ethiopia   oo toogasho ku dilay afar qof halka tiro kalana uu dhaawacay

Askari ka tirsan Milliteriga Ethiopia   oo toogasho ku dilay afar qof halka tiro kalana uu dhaawacay. Sida ay warbaahinya u sheegeen dad ku sugan magaalada Qabridahar askari ka tirsan ciidamada miltariga Itoobiya ayaa saaka ku dilay afar qof dhowr kalena ku dhawaacay magaaladaasi Qabridahar ee xarunta Gobolka Qorraxeey ee Dowladda Deegaanka Soomaalida

dadka uu askarigau laayayd ayaa kala ahaa sadex rag ah iyo qof dumar ah, waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha xaafadda Lixaad ee Maamulka magaalada Qabri Dahar.

askariga lagu eedeenayo in uu falkan geystay ayaa intaa kadib isla goobtaas ay ciidamada miltarigu ku toogteen.

ma jiro ilaa iyo hadda hadal ka soo baxay ciidamada militariga ee dalka balse waxaa dhawaan Tv-ga dowladda deegaanka ka hadlay Hoggaanka Nabadgalyada ee DDS Dayib Axmed Nuur oo sheegay in baadhayaal ka socda heer deegaan ay Qabridahar u direen si ay u baadhaan falkan ay ka argagaxeen shacabka deegaanka.

ma aha markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka u xabad ku furo dad rayid gudaha deegaanka Soomaalida.

dhamaadkii bishii Octoobar ee sanadkii tagay ayay ahayd markii askari ka mid ahaa ilaalada gagida diyaaradaha ee magaalada Jigjiga uu ku dilay xildhibaan Juweeriya Subcis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.