Home Afsomali Askari ka tirsanaa ciidanka asluubta oo ay togasho ku dileen dabley aan...

Askari ka tirsanaa ciidanka asluubta oo ay togasho ku dileen dabley aan hebtooda la garan

Kooxo ku hubeysan Bastoolada ayaa Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ku dilay nawaaxiga Isgosyka Ex Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Askari la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay C/raxmaan, waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan dilkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.