Askari ka mid ah Askarta Dowlada hoose ayaa Xafada Jamhuuriya ee ka tirsan degmada karaan , wuxu ku dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Hoose sida ay xaqiijiyeen dad goobjogayaal ah.
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xafada Jamhuuriya guri dhismo kasocday waxaa meesha ku sugnaa labada askri ee la dilay.
Wararka waxa ay sheegayaan labada askari ee la dilay mid ka mid ah qorigiisa waxa qaatay askariga dilka geestay sida dadka ay sheegeyn.
Halkaasi waxaa ku wada dhintay labadii askari sababaa loo dilay askarta aya lagu sheegay in ay isku qabsadaan dhismaha guriga cidi lacagta qaadan laheyd, waxaana goobtaasi ka baxsaday askariga hubaysnaa ee falka dilka ah gaystay.
Siakstaba ha ahaate Dilalka ay is dilaan askarta dowlada ayaa ku sii badanaya Magaalada Muqdisho gudaheeda askarta dowladda.