Home Afsomali Askari loo dilay muran ka dhashay lacag laga baaday Mooto bajaaj

Askari loo dilay muran ka dhashay lacag laga baaday Mooto bajaaj

Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa daqiiqado kahor waxaa lagu dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad la hadlay Shabakadda somalisan.net  ayaa u sheegay in Askariga ay dileen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, wuxuuna falkaas uu si gaar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweeyne.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dilka loo geystay Askariga uu ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu Askariga iyo maleeshiyaadka hubeysan soo kala dhex-galay, iyagoona isku qabsaday Mooto Bajaaj laga sii daayay Bar koontarool.

Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda ee qeybta 27-aad ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Askariga la dilay, waxaana goobta isaga tegay sida tilmaamay raggii ka dambeeyay falkaas.

Dhawaan ayey aheyd markii Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas dhowr jeer oo horey uga dhacay dilal loo geystay Askar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here