Askarigan wuxuu dilay wiil Mooto Bajaaj ku shaqaysanayey, waalidkiis iyo naftiisana noloshooda wakiil ka ahaa.
Waxaa la iisheegay in Mootaalaha uu diiday inuu qaado Askarigan Lacag la’aan hadduu yahay, balse jawaabta Askariga ayaa noqotay inuu dilo oo nafta dhaafiyo Darawalkii Mootada. Allaha u naxariisto.
Laakiin Askarigan oo isku dayey inuu baxaado ayey qabteen Booliiska Soomaaliya. Dhawaan waxaad arki doontaan isagoo taagan Maxkamadda Shuute, ciqaabta dilkana lamarin doono.
In la dilo qof Muslim ah, alle agtiisa waxaa uga sahlan adduunka oo dhan inuu rogmado.
FG: Sawirkan Booliiska ayaa faafiyey, Masuuliyadda sharci iyo wixii ka yimaada iyagaa qaadaya.