Home Afsomali ASKARIGU DAMIIN MA LEEYAHAY ?

ASKARIGU DAMIIN MA LEEYAHAY ?

Markii la eego dhacdooyinka ka dhacaya dalka oo ay geysanayaan ciidamada Dowladda Fedraalka ah ee soomaaliya, waa kuwa aysan jecleysan Badi bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan Dilalka Mootaalayda iyo dadka shacbka ah ay u gaystaan ciidamadu oo inta badan waxba laga qaban Tira yar mooyee.

Falalka nuucaan ah dad badan oo khubara ah waxay aamisan yihiin in dhibaatooyinkaan aysan dhici laheen, Hadii Tixraac Rasmi ah lagu sameen lahaa Askariga falkaasi gaysta iyo Cidda masuulka ka ah waxaana marar badan dhacday in la yiraahdu wuu baxsaday .

Laakiin Ma badna Asksrta Damiintooda dib loo raacay, maadaama Muqdisho oo kaliya lagu dilay Dhalinyaro fara badan oo ubadan wade Mooto Bajaaj.

“Sidoo kale waxaa sii dheer caga jugleen iyo Falal kale oo dadka loogu geysto Dharka ciidanka, taasina waxaa la aamisan yahay in ay sahashay in uusan jirin daba gal Rasmi ah oo ciidamada lagu sameeyo, Hadii ay jiri laheen Falkii dhacay Shaqsigii gaystay Damiinkiisa in la raadiyo, waa arin gabaabsi ahaan laheed Dowladuna Guul ayay ka gaari laheed in ay arimahaas ka guul Gaarto.

W/Q Mohamed Hussein Ahmed daacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.