Home Afsomali Dhageyso Axmed Madoobe aan iska dayno marada cas ee ah calaamada gaalada...

Dhageyso Axmed Madoobe aan iska dayno marada cas ee ah calaamada gaalada dadku anaga ayey na sugayaan si aan u difaacno

Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Shirka ka socda magaalada Muqdisho ayaa madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ku dhaliilay sidii looga Jawaab celiyay Weeraradii Xanuunka Badnaa oo ay Al-Shabaab bishaan Gudaheeda ku qaadeen Isgoyska Zoobe iyo Hotel-ka Naasa-hablood ee degmada Xamar-weye.

Axmed Madoobe ayaa Madaxda qaranka u sheegay in aysan marna jawaab u noqon Karin weeraradii xanuunka badnaa Maryo gaduudan oo madaxa lagu xirto iyo daqiiqado loo aamuso, waxa uuna Madaxa qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada u sheegay in aysan diin aheyn dadkii dhintay loo aamuso daqiiqo balse loo baahan yahay in loo aar gudo Shacabkii dhamaaday arintaasna la iska kaashado.

Waxaa uu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab aan looga guul kaari karin, maryo cas oo madaxa lagu xirto, isla markaana ay u baahan tahay dagaal dhab ah oo dowlad iyo shacab loo kala harin.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay dadkii tirada hadnaa ee lagu laayay qaraxii Isgooska Zoobe ayaa sheegay in dhibaato xoogan halkaasi ka dhacday balse aan loo baahneyn in la baroor diiqo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhaqan islaamka aanay shaqo ku laheyn baroor diiq la sameeyo iyo daqiiqado la aamuso, waxaa uu tilmaamay in la iska dhaafo oo si toos loo wajaho cida ay is hayaan oo ah Shabaab.

“ In daqiiqado aan aamusno ama aan weer cas xirano hadii ay dhibaatada daawo u tahay bal saacado badan aan qoraxda taagnaano oo aan amarkaas wada qaadano, waxaas diin ma ahan dhaqan islaam ma ahan, rag baan is heynaa aan iska celino” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay shirkii dhowaan ka dhacay Kismaayo ayuu tilmaamay in been abuur iyo dacaayad lagala hortagay, balse macnahiisa ahaa in Soomaalidu ay dalkooda iyaga oo jooga mustaqbalkooda iyo aragtidooda xal kaga gaaraan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku taliyay in laga hor tago oo xarumahooda la weeraro Al-Shabaab ka hor inta aysan geysan weeraro kale oo lamid ah Musiibooyinkii is xig xigay Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso Codka Axmed Madoobe

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.